Maxaa kaaga baxay ficilada iyo hadalada Faysal Cali Waraabe, Cabdiqaybdiid, iyo Xasan Shiikh

Filed under: Wararka |

Bilxaqiiqiyan QoWmiyadda Soomaaliyeed waa dad isku mida xigto iyo xigaalo ah, sikastaba ha ahaatee Waxaan shaki ku jirin in ay Soomaalidu Qabaa-illo kala duwan yihiin.

Waxaa marwalba Soomaaliya Hogaamiyayaashii soomaray iyo kuwa hadda talada hayaba aan ka marnayn caddaalad darro, waana uu yaryahay Hogaamiye si caddaaladi ku dheehantahay u maamuusay ama shuruucdii ay Soomaalidu wada dhigteen sideedii u fuliyay, waxaana uu hada Faysal Cali Waraabe aad marwalba uga cawdaa caddaalad darada kajirta Soomaaliland.

Waxaan shaki kujirin Madaxdii Beesha Daarood kasoo jeeday ee xukunka Sooomaaliya wax kahayay intii u dhaxaysay 1960-1990 in ay sameeyeen caddaalad darro farabaddan, waxaana iyana caddaalad daradaas ka qaybqaatay Madaxdii Beelaha kale oo uu nin walbaa wasaaradda loo dhiibo uu Beeshiisa hantidii ummadda si gooniya ugu qaraabo kiillayay, waxaana ka mid ahaa marxuum Cigaal alla ha u naxariistee intii uu ahaa Raysal Wasaaraha Soomaaliya waxaa la isla aqoonsaday in uu noqday Raysal Wasaarihii xukuumadiisu ugu Musuqmaasuqa badnayd xukuumadihii 1960-1969.

24-kii Sano ee dagaalada sokeeye ay Soomaaliya aafeeyeen waxay ahayd in ay Soomaalidu cashar wanaagsan ka qaataan, balse hada waxaad moodaa in wali Rag badani oo waliba aad uga soo qaybqaatay burburintii Qaranka Soomaaliyeed, iyo waliba si gaara Beesha Daarood dube gooniya oo noocya badan la dul istaagay, sida in Beesha Daarood dadka kasoo jeeda laga barakiciyo deegaanada SNM iyo USC, la dhaco hantidoodii, la qabsado deegaanada Beesha Daarood, loo isticmaalo Qaybi oo xukun iyadoo la adeegsanyo Horgalayaal sida Barre Hiiraale, Xaabsade, Xagla Toosiye, Cumar Jees, iyo qaar fara badan.

Waxaa hareer socday oo beelaha USC iyo SNM ka midaysnaayeen in la hor istaago waxkasta oo fududayn kara Qaranimo Soomaaliyeed, si taas loo fuliyo Muqdisho oo ahayd Caasimaddii Soomaaliya waa in ay noqoto goob dagaal, Soomaaliland waa in ay Soomaaliya ka go’do, labada beelood ee USC iyo SNM ayaa labadan fikir isku taageeeerayay waayo waxaad arkaysaa beelaha USC in ay aad u taageeersanyahiin Gooni Isu Taagga Soomaaliland, Halka Beelaha SNM ku taageer Beelaha USC in Muqdisho noqoto Goob Dagaal.

Labadaan arrimood oo ahaa Caqabadaha ugu waawayn ee hor istaagay in Qaranimo Soomaaliyeed dib danbe la isugu dayo, Maadaama Caasimaddii ay tahay Goob Dagaal (Buttle field area), dhanka kalena SNM oo leh dhammaan Gobaladii Waqooyi wixii na raacsan iyo wixii kaleba waa aan la go’aynaa Fad Ama ha Fadin waa lagu fadsiin ( Waa maah maahda uu hada Cabdi Qaybdiid dib usoo cusboonaysiiyay 24-sno kaddib).
FALANQAYN SIYAASADEED
Isku soo duub maxay Soomaali kusoo kordhiyeen SNM iyo USC?.
Cid walbaa waa garankaraan waxay kusoo kordhiyeen Soomaali SNM iyo USC, in ay Maanta Soomaali noqoto dadka aduunka ugu Taclinta liita, ugu Nabadgalyada liita, ugu Fakhrisan, ugu qoxootiga badan, aan lahayn Lacag iyo Baasaboor, ugu Musuqmaasuqa badan, Badoodii iyo dhulkoodiiba maanta aynan gacan ugu jirin, baddii la xaalufiyay, sun lagu shubay, Dhulkii aynan maanta Soomaali waxba gacanta ugu jirin, Maanta caruurtii 24 sano kahor dhalatay aan la barin wax qadiyad soomaaliyeed ku saabsan.

Iyadoo ay waxaas oo eed ah Siyaasiyiinta USC iyo SNM Soomaali ka tabanayso, gaar ahaan Beesha Daarood, Faysal Cali Waraabe oo caruurtiisa iyo xaaskiisa lagu biilo canshuur laga soo uruurshay shacabka Finlandese-ka in uu hada ka hadlo siyaasadda Soomaaliya iyo Beelaha Daarood Deegaanadooda waxay ku noqonaysaa Fadeexad iyo Sumcad xumo uu Afkiisu usoo jiiday, waxayna damqinaysaa Boogo hadii si fudud loo dhayi lahaa laga yaabe ayba iska bogsoon lahaayeen.

Puntlandobserver Desk