Maxaa kaaga baxay Qormadii Yusuf Garaad Qabyaalad-diid mise Qabiil-u-dood (Falanqayn)

Filed under: Important News,Wararka |

yussuf-garaad
Yusuf Garaad wuxuu kasoo shaqeeyay muddo aad u dheer laanta BBC-Somali.
Waxay kasoo wada shaqeeyay rag baddan oo Soomaaliya, waxaana ay Soomaalidii badnayd ee dhegeysan jirtay Laanta Afsoomaaligaa ee BBC ay kala cabirikaar wariyayaashaas iyo mid kasta sidii uu u dhaqmay intii uu hayay Goob loogu adeeggo Saxaafadda Umadda Soomaaliyeed meel ay joogaanba.

Wareiye Cabdisalaan Hereri wuxuu ahaa Wariye Soomaaliyeed oo muddo dheer ka shaqaynay Laanta Afsoomaaliga ee BBC, Wariye cabdisalaan Hereri ILLAAHAY JANUTUL FARDOWSO HA KU FOGEEYO, ILLAAHAY DAMBIGIISA HA DHAAFO waa wariye si cadaalada ugu adeegay bulshada Soomaaliyeed, waa wariye iyadoo xili xasaasiya lagu jirro aynan dadkii dhagaysanay wax eexa haba yaraatee ka dareemin, waana wariye ay u kala soocantahay waxa lawada leeyahay iyo waxa gaarka loo leeyahay.

Marabo in aan wariyaasha kale sii kala faquuqo laakiin been waa xaaraan badidoodu waxay ahaayeen wariyayaal shaqadooda iyo ehelkooda kala yaqaan oo aan marna isku qaldin.

Laakiin Wariye Yusuf Garaad waxaa lagu xasuustaa Qabyaaladdii uu layimid Laanta BBC-da, iyo Ceebtii uu kaga tegay waliba xili ay dadka Soomaaliyeed aad ugu baahnaayeen Saxafi wadaniya oo aan Soomaalida walaalihiisa marna mansabka uu u wada hayo aan ugu kala eexan.

Yaanan odaga ku tiigtiigsan waa laga yaabbaa in uu is badalay oo uu waaya arrag-noqday, illaahay hasoo hanuuniyo, kolaba baryahan danbe isbadal aad u baaxad wayn baa laga dareemayaa.

Qormada Yusuf ee Qabyaalad-diid mise Qabiil-u-dood ee uu ku cabiray labada qolo (Groups) ee isku haya 4.5 in ay labaduba danaha reerahooda u doodayaan ee aynan dana Soomaaliyeed u doodayn.

Mar haddaan Soomaalidii si saxa loo diinwaan gallin oo kaarar aqoonsi saxa loo samayn lama garan karo cadadda rasmigaa ee Soomaalida, taas waxay ka dhigantahay doodda oranaysa beeluhu waa is le’egyhiin oo 4.5 wax halagu qaybsado sax ma ahan waayo dadkii lama tirakoobin.

Laakiin dadka Soomaalidaa 90% waa reer guuraa waxaana lagu qaymeeyaa baaxaadda beelaha deegaanka ay degaan, waayo reer walba waxay xoolahoodu daaqaan inta ay tirada le’egyihiin, marka hadaad fiirisid mapkaan Hoose Yusuf Garaadow mawaxaad naga dhaadhicinaysaa oo aad cadaalad u aragtaa in ay Digil iyo Mirifle iyo Daarood is le’egyihiin.

Hoos ka eeg maapka beelaha Soomaaliyeed sida ay dhulka Soomaalidu degto u kala deganyihiin.
somalitribes

Qolooyinka ku dooda Magaalada Muqdisho kaliye waxaa ku nool 3 million, jawaabtaas waxaan u malaynayaa in ay fududahay, waayo horta Muqdisha waxaa degan Soomaaliwayn oo dhan, haba u bataan Hawiye.

Laakiin wixii 1990 ka horeeyay Muqdisho waxaa ka qaxay Soomaali farabadan, qaar laga barakiciyay iyo qaar barakacay, waxaana soo camiray Soomaali farabadan oo reer Guuraa u badnaa, oo deegaanadii ay deganaayeen qaarkood soo Faarujiyay oo xitaa ay beelo kale maantay tuulooyin baddan oo reer guuraagii Xamar camiray ay degi jireen ay maanta reer Guuraa kale oo Soomaaliyeed degan yihin waana doodayda kore ee aan iri waxaa is le’eg baaxaadda deegaanka iyo Beesha degta oo beel kasta waxay camirikaar deegaan ay beeshu isku fidin karto oo xoolaheedu daaqi karaan haddii kale beel kale ayaa xoolaha daaqsanaysa muddo kadibna sheeganaysa in ay aaggaas degaan.

Afeef waa arragti cabiraad ee ma ahan mid eexeed.
Isku soo duub waxaa mihim ah deegaanada Soomaalida ee baaxadaas leh in ay Baarlamaanka dhexe usoo dirsadaan Xildhibaan matala, haddii marka markii hore muddo 15 sano ah ay ahayd wax un ha lasameeyo gadaal baa laga xisaabtamayaa laakiin markii danbe Dawladdii la islahaa wax ha lagu xaliyo ay noqotay goob beelaha qaar lagu colaadiyo, sow xaq dadku uma laha war deegaankaas baaxadda wayn ee aan dego oo aan ku noolahay cid kale xuquuqda deegaankaan ii soo dhicin mayso ee anaa xuquuqdayda soo dhacsanaya, waana sida aduunka dadka wax isku darsadaa xitaa hadday walaalo yihiin iskula xisaabtamaan ceebna ma ahan.

Marka Yusuf Garaad dib ugu noqo sida aad wax u xisaabisay.
Waliba waxaa wanaagsan in la diinwaangaliyo Soomaalida reer Guuraagaa meel walba oo ay jooggaan, iyo in ay ay doorayashooyinka ka qaybgallaan Soomaalida qurbaha joogta iyo kuwa Kaamamka ku jira.

Cadaalad daradii ay sameeyeen Xildhibaanadii Baarlamaanka ee 1960-1969 ee beesha Daarood u badnaa waa sababta aynan wali u aaminayn beelaha kale Daarood oo Xildhibaano badan yeesha, hadana xiligaan oo Xildhibaanadii Daarood booskoodii lagu badalau Xildhaabo kale hadana Xildhibaanadii badalay qudhuudo sidii oo kale cadaalad daray sameeyeen, waxaana looga gudbi karaa kala aamin baxaas iyadoo la hello Jiil waxaas oo dhan fahansan oo dadka la barro nidaamka asxaabta baddan iyo wadinyad isla markaana marwalba looga sheekeeyo cawaaqab xumada ay bulshadu ku reebto cadaalad daradu,

Qore. Wayl caduun.

Qormadii Yusuf Garaad http://yusuf-garaad.blogspot.fi/2016/02/qabyaalad-diid-mise-qabiil-u-dood.html