Maxaa kaaga baxay waraysigii Galaydh ee radio Daljir (Falanqayn kooban)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Bini aadanku waxay wax iska dhiciyaan oo is difacaan marka ay midaysan yihiin, waxa ay horumar gaaraan marka ay midaysanyihiin.
Dhulka Soomaalida cidii xukuntaaba waa dhul Soomaaliyeed laakiin waxaa ugu xun ruuxa umad dhan khiyaameeya oo isqariya oo aan runta ka sheegin waxa asalkaa ee uu damacsanyahay waayo umad dhan buu halaajinayaa.

Intii ay dagaalada Sokeeye socdeen Deegaanadaas SSC si gooniya ayay u taabanayeen dagaaladii sokeeye waxaana horay usoo aafeeyay dagaaladii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo dadka deegaanada SSC degan ay u babac dhigayeen Ingiriis iyo Ethiopia oo dunida oo dhan Xukuma.

Marka xaqiiqda laga hadlayo oo aan xaqiiqda dhanna looga leexanayn, Soomaaliya waxaa ka faa–iidaystay Quruuma shisheeye waxaa la isugu diray Hab Qabiiliya inkastoo ay Soomaalidu hal qowmiyad yihiin, laakiin waxaa laga faa-iidaystay cadaalad daradii Xukuumaddii Siyaad Barre waxaana qoryaha la isugu dhiibay Soomaalidii iyadoo Beelkasta gooni loo hubeeyay.

Beesha Daarood waa beesha sida gaarkaa loo taarget garaynayay waxaanad mooddaa in beesha caalamka ay la safanaysay beelaha kale halka marwalba la mu’aaradaynayay beesha Daarood oo dhulkeeda horey Ethiopia iyo Kenya Loosiiyay.

Horgalayaasha kasoo jeeda Beesha daarood ee loo adeegsado Beesha Daarood waxaan ka marnayn Beesha Caalamka oo bixisa Kharashaadka lasiiyo Horgalayaasha illaa hadana bixisa kharashaadkaas.

Waxaan Awal arki jirnay Horgale Qori iyo Maleeshiya dagaalamaysa Wata oo Maleeshiya laga soo raacinayo Hargaysa ama Muqdisho, sida Barre Hiiraale ama Xagla Toosiye ama Xaabsade.

Laakiin Horgale Qalin iyo Buug wata oo ku dhexfadhiya oo Qudhiisa Shirkadaha Macdanta Booba iyo SIyaasiyiin Beesha Caalamka amarka ka qaata waa arrin uguba.

Marar badan baan warbaahinta Puntlandobserver ku daabacnay in uu Cali Khaliif ahaa Horgale Beesha Daarood Midnimadeeda kala dhantaalideeda u qaabilsan qolooyibka Soomaaliya Duleeya.

Prof galaydh ayaa waraysi uu siiyay Radio Daljir ku bayaaniyay sida aynan daacad haba yaraatee uga ahayn in la xoreeyo Deegaanada SSC, ee isaga aad moodid ay u darantahay sidii uu mansab u helilaha, oo waliba aad hadaladiisa ka dhadhansanyso haddii Mansabka Khaatumo soconwaayo Soomaaliland wax la qaybso.

Galaydh ayaa sheegay in uu Shirkadda Taleefoonada ee Somtel ay isaga iyo Dahabshiil wada aasaaseen.
Somtel waa shirkadda Macaashka ugu badan ka hesha Somaliland, marka ma jiraa qof mucaaaradi kara deegaanka uu waxaas oo macaasha ku qabo marba haddii uu Galaydh ahaa aasaasihii Somtel waa macaashaha ugu wayn Soomaaliland.

Galayr ayaa waraysiga ku sheegay saaxiibtiimada faca wayn ee Galayr iyo Siilaanyo ka dhexeysa iyo Xushmadda iyo Qadarinta uu u hayo Siilaanyo.

Galayr ayaa afkiisa ka sheegay in xiligii ay Jaamac cali Jaamac iyo Cabdullaahi Yusuf is hayeen ee uu Raysalwasaaraha ahaa uu lacag ku taageeray kooxdii jaamac oo markaas Puntland burburinaysay.

Hadaan xaqiiqda la iska indhatirayn, markii Soomaalidii midiyaha la isugu dhiibay.

Xarunta Beelaha Hawiye waxay noqotay Muqdisho
Xarunta Beelaha Isaaq waxay noqotay Hargeysa¨
Xarunta Beelaha Daaroodna waxay noqotay Garoowe

Maadaama aynan Soomaali wali heshiin oo qolyihii awalba Soomaalida isku aafeeyay ay wali sidii Soomaalidii midiyaha isugu dhiibayaan, ruuxa Damiirka leh oo dadkiisa u damqanaya waxbadan buu xeerinayaa, laakiin isku soo duub Mudane Prof Galayr ma uunan Noqon Prof Soomaaliyeed oo Xalkii Soomaaliya hab Soomaaliyaysan ku raadiya mana Noqon Nin marka Hore reerkiisa Midnimadeeda ka shaqeeya oo markaas reerayawga kale wax la qaybsada, Mana Noqon Hogaamiye Kooxeed Qori Qata oo dagaalama oo meel lowgu soo hagaago waxna iska dhiciya, wuxuuse noqday mid ka sheqeeya muddo 20 sano ku dhaw kala dhantaalida midnimada beesha uu kasoo jeedo ee Harti.

Waana meesha ugu hallis kulul marka laga shaqeeyo kala fogaynta iyo kala dhantaalida midnimada umad markii hore isku mowqif ahayd.

Tusaale matalan.

Haddii ay maanta Ingiriis iyo Ruush is dagaalaan, iyo Haddii ingiriis dhexdiisa la isku diro oo Ingiriiskii dhexdiisii lookala qaybsho Qabiilo kee ayaa xanuun kulul waxaa xanuun kulul marka Ingiriiska dhexdiisa la isku aafeeyo, oo markaas wax xal ah malaha.

Galaydh shaqadiiu muddo 15 sano ah waxay ahayd sidii la isugu diri lahaa beelaha Harti, waa ninka samaystay ugu yaraan 10 Websayt oo lagu dacaayadeeyo majeerteen, oo dhamaantood ay laascaanood iyo Kenya ka haowl gallaan wariyayaasha wax ku qora oo uu isgau lacagta siiyo maadaama uu dhaqaalo badan haysto qaarna lagu sii caawinayo.

Waa ninka qaban qaabiya Xaflado lagu taageerayo Khaatumo oo yiraahda u diida in ay wax reer Puntland oo uu ula jeedo Majeerteen ah kasoo qayb gallaan Xafladahaas.

Isku soo duub maanta oo dhamaan deeganadii Dhulbahante ay Soomaaliland haysto oo Buuhoodle ay ciidamada Soomaaliland afarta koone ka fadhiyaan oo ay 20 km u jiraan, hadana waraysigiisa dhegeyso wuxuu la dagaalamayaa Majeerteen, haba yaraatee wax qorshe ah oo uu ka damcay in uu deegaanadaas xoreeyo ma ka dhadhasankartaa hadaladiisa marka laga reebo kuwo afgabeedsiya oo ninka aragtida gaaban uunan fahmi karin

Aduunkii maanta waxba uma kala qorsoona waxaana ay maanta macaa ilamaha caruurtaa ogyihiin yaa Taageera Isis, Daacish, Alnusra, oo hadana iska dhiga in ay la dagaalamayaan oo maalinwalba diyaarada beena ku duqeeya, waxaanan arkaynay Sacuudiga oo leh waxaan Ciidama u diraynaa Syria si aan Isis iyo argagixisada ula dagaalno marka markiiba dad badan baa u jeeda in uu Sacuudigu la dagaalamayo Xukuumadda Asad, waxaana la ogyahay in haddii aynan aynan Isis iyo kooxaha kale ee Xukuumada Asad la dagaalama aynan caawimaad ka helayn Turkiga Khadar iyo Sacuudiga aynan Hal wiig kooxahaasi Ruush u babac dhigeen, warka xitaa ilmaha saqiirkaa waa u jeedaa cidda taageerta Isis, hadana shacabka ugu sheekaysa waxaa lala dirirayaa Xagjirka.

Marka aduunkaan waa lagu jaahwareerayaa ee illaahow faraj khayrle u fur dadka masaakiintaa ee meelkasta ku dhiban ee iyagu xalka doonaya.

Waxaa kaloo iyana aan la inkiri karin jilicsanaanta siyaasiyiinta Garoowe oo Qudhooda Ethiopia Amarka laga siiyo oo aan ku dhicin in ay wax tilaabo ah oo aynan Ethiopia raali ka ahayn qaadaan.

Waxaana iyana eed ballaaran leh shacabka Beesha Majeerteen oo iyana aan wax damqasho ah ka samayn dhibaatada shacabka beelaha SSC lagu hayo.

Waxaa iyana eed taa la mid ah leh shacabka Beesha Reer Shiikh Isxaaq oo xaqdarada beesha ssc lagu hayo ku taageeray siyaasiyiinta Beesha Dhexe.

Waxaa iyana aan marna la gaban Beelaha Hawiye sida ay u taageersanyahiin siyaasadda Beesha Isaaq ay ka leedahay deegaanada SSC uu kaaba qabiil u yahay Xasan Sheekh

Halkaan hoose ka daalaco qormooyin aan horay uga daabacnay
http://www.puntlandobserver.com/kooxda-cali-khaliif-widhwidh-ma-soomaaliland-bay-ka-xoraynayaan-mise-puntland-dhegeyso/

http://www.puntlandobserver.com/daawo-heshiiska-beesha-galaydh-iyo-soomaaliland-iyo-maqaalkii-aan-po-ku-dabacnay-oo-rumoobay/

Fadlan si xora aragtidaada u dhiibo oo komenti ka bixi waa ballan in aan sii dayno hadday dacarta ka kharaartahay noona soo dir arragtidaada waa ballan in aan daabacno hadday dacarta ka kharaadhahay