Maxaa wax looga qori waayay sida ay ugu Fashilnatay Qorshihii Hay’adda Qaramada Midoobay ay Soomaaliya nabad ugu soo dabaali lahayd

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Hay’adda Qaramada Midoobay waa Hay’adda ay Dalalka Caalamka oo dhami ku midoobeen sidii Nabad waarta iyo Nolol wanaagsan looga gaari lahaa Caalamka.

Dalka Soomaaliya waa Dalka kaliya ee Caalamka aynan wax dawlad ahi ka hirgallin muddo 27 sano ah.
Isku daygii Hay’adda Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka in ay Hanaan Dawladeed ka hirgalliyaan Soomaaliya ayaa aynan Suuragallin, waxaana isa soo taraya isku day Danno ay leeyihiin Kooxo yar oo dana gaara Soomaaliya ka leh oo Isticmaalaya Hay’adda Qaramada Midoobay.

Mala gaaray xiligii wariyaayasha Caalamigaa iyo Falasoofarada Caalamigaa loosoo bandhigi lahaa Xaaladda Soomaaliya iyo Kooxaha danahooda Gaarkaa usoo maraya hay’adda Qaramada Midoobay, waliba kooxaha doonaya in ay boobaan Macdanta Soomaaliya.

Haddii ay Hay’adda Qaramada midoobay Soomaaliya ku fashillanto waxaa gabi ahaan meesha ka baxaysa Kalsoonidii Hay’adda lagu qabay, waxaana wanaagsan dhamaan dadka dunida ku nool in ay arrinkaan ilgooniya ku eeggaan, waayo haddii Ha’adda la musuqmaasuqo waxaa khalkhal galaya Kalsoonidii umadaha Caalamka ay nabadooda iyo danahooda ku illaashan lahaayeen.