Maxaad ka taqaan Ururka Daacish (Maqaal kooban)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Important News,Wararka |

Maleeshiyaadkii maalmahaan qabsanayay deegaano badan oo kamid ah Puntland ayaa sheegtay in ay ka tirsanyihiin urur Diimeedka Xagjirkaa Daacis ee Ciraaq, Syria iyo Libiya ka dagaalama, Soomaaliduna ugu yeeraan maalmahan (Dadqalatada dadka Qasha).

Hadaba Daacis waa ayo.

Daacish iyo Alqaeda iyo Isis, iyo Al-shabaab, waa kooxo caqli aan ahayn in qof la gawraco oo laqasho aan hayn, caqligoodu waa qalashada iyo gawraca dadka shacabkaa ee maatadaa.

Yaa Kooxahan taageera.

Aduunkii ayaa waxaa ka jira siyaasado dhanka Interesti ama siyaasado dal kasta uu dantiisa waxwalba ka hormarinayo, waxaanad moodaa in kooxahan hadda ay noqdeen kooxo ay dalalka waawayn isu adeegsadaan iyadoo si dadban oo aynan xitaa iyagu garan karin loo adeegsanayo.

Waxaa jira siyaasad gabigeeduba ku saabsan dhanka dhuumaha shidaalka qaada, waxaana la aaminsanyahay in dagaal Syria uu la xiriiro muran ku salaysan dhuumo shidaal iyo Gaas qaada oo istaraajiyad ahaan mari lahaa Syria isla markaasna ka iman lahaa dalka Qadar marka danbana lasii marsiin lahaa Syria, Turkiga, dabadeena Europe, si markaas aynan dalalka Europe ugu xirnaan oo kaliya Gaaska uga Yimaada dalka Ruushka oo qura.

Hase yeeshaa waxaa la sheegayaa in Bashaar Al-asad uu diiday dhuumahaas oo taa badalkeeda uu doonayay dhuumo ka imanaya Iran, hadiiba cidi faa-iidayso maadaama ay isku xulufo yihiin, dhanka kalena Russia oo qudheeda rabta in aynan dhuumo kale ka iman Qadar si markaas kuwooda aannu suuqu ugu xumaan.

Waxaana la aaminsanyahay in uu arinkaas Turkigu aad uga carooday, sidoo kale Qadar iyo Saudi Arabia oo doonayay in ay soo marsiiyaan dhuumaha Gaaska iyo Shidaalka Halkaan ka daawo warbixintaas

Dhanka kalena Dalka Syria ayaa waxaa u badan dadka haysta madhabta Sunniga oo aan waligood xukunka qabsan, waxaana arrinkaas ka faa-iidaytay dalalka Turkiga. Qadar, Saudi Arabia oo markaas isaga dhigaya Shacabka masaakiintaa ee Syria kuwa ay isku suni yihiin, isla markaana waxaa lasoo maalgaliyay kooxaha xagjirkaa ee Daacish, waxaana loo fududeeyay meelihii ay saanadu usoo mari lahayd oo ah dalka Turkiga, iyo dhaqaalihii oo ay dhiibaan dalaka Qadar iyo Saudi arabia Halkaan ka Akhriso

Waxa waxaas loo samaynayo waa Interst ama dantooda goonidaa ee ma ahan diin jaceyl iyo waxkale toona ee kaliya waa si markaas looga takahaluso Madaxwaynaha Syria dabadeedna loo gaysto Madaxwayne danahooda u fulinkara, si markaas dhuumihii shidaalka loo marsiiyo, marka aaaway islaanimadii iyo waxwalba, bini aadamkii hungurigii baa wax walba kala waynaaday.

Dhanka kalena waxaa arrinkaas si dadban ugu taageera dalalka Nato, oo ugu sheekeeya aduunka in lala dagaalamo xagjirka, laakin marka ay timaado danaha gaarkaa waxaa la isticmaalayaa argagixisadii.

Isbahaysiga Qadar, Turkiga, Damjadiid Muqdisho

Waxaan dad badan la yaabanyihiin waxa ka dhexeeya Turkiga Xasan Damjadiid, Qadar, oo hadaad soo akhrisay qoraaladii hore isla markaasna aad aragto sida ay siyaasadda Soomaaliya isku xulufaysanayaan dalalka Qadar, Turkiga, Damjadiid, iyo Dalal waawayn oo lawada ogyahay.

Somalia iyo Daacish.

Dad badan baa aaminsan in dalalka Khaliijka iyo dalalka Nato oo uu Turkigu xubin ka yahay aynan daacad ka ahayn la dagaalanka ururada xagjirkaa.
Ciidamada Nato ee waardiyeeya badwaynta Indai shalay wax dhaqdhaqaaqa ma sameeyeen markii ay Alshabaab ku wararaclaynayeen xeebaha Puntland, waxaase ka sii daran in haba yaraatee aan lagu soo qaadan wararka caalamka wixii shalay ka dhacay xeebaha Puntland.

Maxaa Soomaali la gudboon

Soomaali waa dadka kaliya ee aan aduunka ku lahayn saaxiib dhab ah, isla markaana aan carab iyo cajab toona ahayn, waayo Soomaalidu ma ahan indhayar, ma ahan Bantu ama African asala, Ma ahan dadka Indiaanka, ma ahan Carab Cadaana, ma ahan European, sidaas awgeed waa Minority adoonkoo dhan oo ma haystay qaraabo ama cid u damqanaysa oo ka difaacaysa wixii dhib ku ah.

Waana sababtaas Sababta ay Soomaalidu uyihiin muddo 27 sano dad baylah ah oo aan dawlad lahayn, waayo cid wanaagooda ka shaqaynaysa malaha.

Maxaa Soomaali la gudboon

Soomaalida waxaa la gudboon marka hore in ay meel iska dhigaan Qabyaalada, oo ay meel uga soo wada jeestaan kooxahaan xagjirkaa ee dadka qasha, iyo kooxaha Burcad badeedkaa, waana in ay Soomaalidu awoodda saaraan, cadaaladda iyo maamul wanaagga .

Puntkandobserver desk

One Response to Maxaad ka taqaan Ururka Daacish (Maqaal kooban)

  1. Pingback: Xiriirka ka dhexeeya, Damjadiid, Qadar, Turkiga si aad u fahanto akhri Maqaalkan | Puntland Observer