Maxaanad ogayn oo kasocda jubbooyinka Khaasatan Gobalka Gedo (Divide and rule)

Filed under: Important News,Wararka |

Haddii aad si hoose ula sheekaysatid beelaha Sade ee kasoo jeedda Gobalka Gedo, oo aad ku ti´raahdo ka warama xaaladda Jubbooyinka, waxay intooda badan markiiba kuu sheegayaan in Xoog lagu haysto Jubbooyinka Beesha Sadena ay ka go’antahay in ay Kismaayo Xoog kula wareegto.

Waxaanad arkaysaa in Baryahaan Garabka Axmed Madoobe Jaanis farabadan lasiinayo halka Beesha Sade ay afduubeen koox Hogaamiye Kooxeeda oo Beesha sade ka dhaadhiciya in Xoog lagu ´haysto ayna haboontahay in ay ay iyana Xoog waxkusoo dhacsdaan.

Inta badan Hogaamiye Kooxeedka Soomaalida waxay u badan yihiin dad miskaxda looga jirro oo u baahan in la daweeyo laakiin aan is ogayn.

Hogaamiye Kooxeedka ayaa wuxuu ku shaqaystaa dhiigga Soomaalida, Hogaamiye kooxeed waxaa uu shaqaystaa xiliyada ay colaaddu jirto.

Dhanka kale waxaa isa soo taraya shakiga Nidaamka Qaybi ee xukun in aannu meesha ka marnayn

Nidaamka Qaybi oo xukun ayaa u shaqeeya qaab marba hal koox ama Beel sifiican loo taageerayo, iyadoo beelaha kale aan wax taageero ah lasiinayn si markaas ay cuqdad iyo nacayb xun ugu qaadaan Beesha la taageeray.

Markaas ayaa hadhow markii loo baahdo waxaa lasoo hubaynayaa ama lasoo Taageerayaa Beeshii Cuqdadaysnayd si markaas ay u aar gutaan.

Hadana waxaa aad dareemaysaa in baryahaan Beesha Sade ay Hogaamiye Kooxeedku ka buuxinyaan Cuqdad aad u culus oo ku wajahan Beelaha Absame iyo Daaroodka kale khasatan Puntland.

Waxaana aad moodda in Hogaamiye kooxedka Beesha Sade ay hadda Xamar iyo Baydhabo xulufaysi lasoo galayaan si markaas mustaqbalka guluf colaadeed lowgu ekeeyo xulufada beesha Absame.

Isku soo duub markaas si hoose arrimaha Soomaaliyan isha ula raacdo waxaa kuu soo baxaysa in aannu dalkaas wax mustaqbal ah lahayn

Hogaamiye kooxeedka Beelaha Sade ayaa waxaa laga kari layahay waxka dhista maamulka Jubbaland oo dhankiina ka hagaajiya wixii si xitaan u baahan, ee kaliya ha u daynina cid gaara.