Maxay Soomaaliya la dagi la’dahay, maxaase u sababa in rajadu maalinba maalinta ka danbaysa siixumaato(Akhri warbixin muhimma)

Filed under: Wararka |

cadaalad

Waxaa aan kusoo koobayaa jawaabta su-aasha kore Cadaalad darraa u sababba burburka Qarankii Soomaaliyeed, illaa dhanka cadaaladda awoodda la isug geeyana rajadu maalinba maalinta kale waa kasii xumaanaysaa.

Fahansanaan la’aan muhiimadda cadaaladda oo loo horseedo bulshadda ayaa sababta in aan la iska qaban kuwa cadaalad daradda sameeya.
Tusaale.

1991 Markii marxuum Caydiid iyo kooxdiisii ay taladda katuureen Maxamed Siyaad Barre haday awoodda isugu gayn lahaayeen war aan shacabka Cadaalad u horseedno, oo ka horqaadno dhibkii haystay waxay helliahaayeen Taageero ballaaran, waxaanna usuuroobi lahayd in ay Bulshadaas wallaalahoodda ee Soomaaliyeed u horseedaan dariiiq iftiin leh, laakiin halkii taas laga sugay waa ka dharagsantahay Bulshadda Soomaaliyeed Kooxdii Caydiid Cadaalad daradda ay Soomaali u horseedeen, iyo halka ay ku danbaysay Caasumadii Qowmiyadda Soomaalidda oo ah halbowlihii Qowmiyadda Soomaalidda.

Waxaanna maanta waxlaga naxo ah Dhalinyaradii burburkii kadib kusoo barbaartay Caasimadii Qowmiyadda Soomaaliyeed Xamar in aan marna muhiimadda Qaranimo iyo muhiimadda ay Bulsho u leedhahay Caasumadda wadaagga oo Qowmiyadda Soomaaliyeed ka dhexaysa u leedahay, balse intoodda badan lowgu sheekeeyeen magaaladan beel baa iska leh.

Dhanka kale ururka Snm Markii uu awoodda kala wareegay Siyaad Barre wuxuu Haystay xili uu Calaa Aqal saamayn ballaaran ku yeelankaraan in ay marlabaad Qawmiyadii Soomaaliyeed Dib isugu soo Celiyaan, Laakiin taa Badalkeedda waxay yagleeleen boor kashaf qabyaalad iyo in Soomaaliya lakala qaybsho.
Kaaga sii darane, Beesha Daarood oo ahayd Beeshii ay katirsanyeen Cadaalad darro lagu sameeyay Beesha Isaaq, ayay illaa maanta ku hayaan Cadaalad Darro Taas oo dhib wayn soo gaarsiisay Beesha laascaanood oo ka agoonoobay Deegaanadoodii markii ay Beesha Isaaq u xoog sheegatay oo qori Caaradiis ay hadda beesha Isaaq ku joogaan laascaanood.

See hadabba xal ah hadda.
Cadaalad baa dadkoo dhan deeqda, ee waa in marka hore dhowr arrimood oo muhiima la ogsoonaadaa.
1) Hogaan caadilla iyo Maamul Cadaaliya waa in lahellaa.
2) Beel walbaa waa in ay Deegaanka ay ku sugantahay hagaajisaa, kuna ekaataa markii laga hadlayo dhanka maamulka ee aynan u hanqaltaagin deegaano kale.
3) in lajoojiyaa isticmaalidda Horgale(Horgale waa shakhsi aan ku iman rabitaanka dadka uu matalayo ee ku yimid Hunguri), marka xalka ladoonayo ee wax laqaybsanyo waa in deegaan walba matalaan dad kuyimid is reeb reeb si daacadda usoo hirgalay, ee aan suuqa looga yeeran mid beeshii ama deegaankii kasoo jeeda laakiin aan kusoo bixin rabitaanka dadka deegaanka.
4) In si cadaaladda wax loo qaybsado, si sax iyo cadaaladi ku dheehantahay loo xisaabtamo, in marka wax laqaybsanyo ama laxisaabtamayo qaab nidaam cilmiyaysan oo mudo laga soo dooday oo Saxaafadda loo soo bandhigay oo qodabaysan oo lagusoo heshiiyay wax lagu qaybsado.

5) In dad dibad iyo dalba laga soo xulay oo dad cadaalad lagu yaqaan islamarkaanna kala matala deegaanadda Soomaalidoo dhan loo xilsaaraa arrimaha Dastuurka iyo Meelmarintoodda.

Hadiise ay Soomaali diidaan Cadaalad iyo wax wadaag maxaa xigaya halkayse Soomaali ku danbayn.

Aan u kala saarno, dhanka Dawladda dhexe iyo Dawlad gobaleedyadda.

Dawladda Dhexe.
Madaxwayne Xassan Shiikh oo markii ladoortay min mashriq illaa maqrib Qowmiyadda Soomaaliyeed ay ku farxeen, ayaa haystay jaanis in shakhsi Soomaaliyeed oo kale Soomarin, waxaanna hal mar wadda gariiray adoonkoo dhan, waxaanna shacabkii Soomaaliyeed ay isyiraahdeen waa cusub baa idiin baryay.

LAAKIIN –> waxay noqotay maam maahdii ahayd, LAMOOD NOQONSEWAYDAY.
Mudanne Xassab Shiikh Maxamuud wuxuu boorka ka jafay Qabyaaladii 1991, wuxuunna geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay midaynta Beelaha hawiye, wadashaqaynta Beelaha irir, wuxuuna Gees galiyay beelihii kale ee uu u dhaartay in uu dhamaantood matalo, wuxuuna maanta ku shaabadaysan yahay Madaxwaynaha Beelaha hawiye.

Waxaanna hadda kadib ku adkaanaysa Madaxwaynaha helitaanka kalsoonidda Beelaha Soomaaliyeed,marka laga reebo helitaanka kalsoonidda Beelaha qaarkood.
Tani ayaa ku muujinaysa wali fahansanaan la-aanta hogaamiyayaasha Soomaaliyeed iyadoo cadaalad lagu farsameeyo wixii umadda ka dhexeeya, in ay tahay guusha Hogaamiyaha taladda haya, iyo Guusha u horseedidda horumarka Qawmiyadda Soomaaliyeed.

Laakiin wali Xassan Shiikh Maxamuud hadii uu nin raganimo iyo go-aan adag leh noqdo, oo uu dhagaha ka furaysto afhayeenadda Beelaha Hawiye, oo uu garawsado in uu hadda yahay Madaxwayne Qowmaiyadii Soomaaliyeed ee aanu ahayn madaxwaynaha Maamul goboladeedka Beelaha Hawiye.
Markaas wali Jaanis wanaagsan oo uu Soomaaloo dhan wado wanaagsan ku hagi karo ayuu hadda kadib ku dadaali karaa inkostay hadda dad farabadan ka aamin baxeen runtii

Dhanka Puntland.
Mudane faroole ayaa markii la doortay aad loosoo dhaweeyay laakiin aakhirkii ku danbeeyay LAMOOD NOQONSE WAAYAY.
Maalmo yar kadib ayuu Faroole garasho la’aan muhiimadda shacabka oo cadaalad lagu dhaqo wuxuu Geeska galiyay Beesha Dhulbahante, laakiin ay Beesha majeerteen u sacabinayeen Faroole halkii la rabay in ay u sheegaan in aanu cadaaladda garab marin.

Gablan tala aduunow maxay galabba heer joogtay, maanta Faroole wuxuu noqday musiibo hor istaagan maamulka Puntland isla markaanna waxaa hadda rajadu maalinba maalinta kale kasoo xumaanaysaa horumar ka islaaxa deegaanadda puntland maadaama uu halkii ugu saraysay hor fadhiyo faroole oo sanad xaaraana isaga darsaday, isla markaanna inamadiissa iyo qaar ay juffo hoose isla yihiin ku naas nuujiyay hantidii umadda, taas oo u horseedi karta bur bur.

Hadii uu Faroole marka halyay Geesiya yahay wuxuu u tanaasulayaa Shacabka masaakiintaa ee ehelkiisa ah, wuxuuna qabanayaa Doorasho kutimaadda qaabkii hore, hadii uu taas yeelo Faroole wuxuu noqonayaa halyay Horumar iyo waa cusub ehelkii iyo walaalihii u horseeday, wuxuuna noqonyaa shakhsi ay taariikhdu xusto oo taalo loosameeyo.

hadiise uu ku madax adaygo xisbiyadan been beentaa, wuxuu u horseeday reer tolkii guri halaag, waxaanay ka fursan doonin hardan iyo dagaal ka bilowda Puntland, wuxuuna Faroole noqon doonaa horseedaha waa xun u horseedi bulshadiisii iyo ehelkiis.

Soomaaliland.
beesha Isaaq ayaa garan waayay Beesha Dhulbahante iyo warsangali oo ay maanta ka itaal roonyihiin in ay deegaanadoodda amaan u siiyaan oo kala baxaan ciidamadoodda, taasi oo ah katalin cadaalad darro, waxaanna layaqaanaa cid walba oo cadaalad darro katalisa halka ay ku danbayso.

Hadii beesha reer shiikh Isxaaq ay walaalahood Dhulbahante iyo Warsangali Deegaanadoodda uga baxaan waxaaba dhacda in mustaqbalka ay is walaaltinimo ah wax u wada qabsadaan, waxaana ay taas u noqonaysaa Guul dhamaan shacabka Soomaaliyeed.

Jubbaland.
Jubbaland hadda maamulka loosamaynayo haday hesho dad garankarra muhiimadda cadaaladda iyo Cawaaqib xumadda Cadaalad Daradda waxaa ay soo xulayaan Xildhibaano si cadaaladda loosoo xulay oo matala dhamaan beelaha degga deegaanadda ay matalayaan, taas oo u noqonaysa horseedka waa cusub oo dhamaan shacabka Soomaaliyeed u baryay, laakiin kooxda maamul usamaynta haday taa garan waayaan oo kaboodaan cadaaladda oo wax isdaba mariyaan waxay dhadhamin doonaan maalin aan fogayn cawaaqib xumadda cadaalad daradda.

Xumin iyo xeeb
jaanis aad u fiican buu maamulkaan hadda haystaa waxaana soo dhow doorashadii maamulkaas, haday hadda ku dhaqaaqaan kashaqaynta cadaaladda iyo soo xulidda Xildhibaano si saxa iyo isreeb reeb kusoo baxay, waxaa xumin iyo xeeb u baryaya waa cusub oo ay ku najaxaan.

Galmudug.
Galmudug waxaa kajira hardan ka dhashay cadaalad darro siyaasadeed, waxaanay u baahanyahiin in ay Shirwayne ay beelhu ku midaysanyihiin abaabulaan, waana taas tan guusha u noqonlahayd cabdiqaydiid, laakiin hadii uu sidan kusii madax adaygo, waa fool xun buu u horseedayaa shacabkaas walaalihiisa

Akhristow uga sheekee ruuux walba muhiimadda cadaaladda iyo in aanay bulsho horumar gaari karin iyadoon cadaaladi jirin

Khaatumo:
Maamulka Khaatumo waxaad moodaa qudhoodu in ay mararbadan sidii larabay aanay cadaaladi uga dhicin, laakiin hadii Hogaamiyayaashaas fahmaan muhiimadda cadaaladda oo deegaanadaas lagu maamulo waqti fiican bay haystaan.

Djibouti.
Cadaalad daradii abid ka dhacda ayuu sameeyay Ismaaciil Cumar Geele, waxaana i mudo ah xaqoodda laduudsiinayay Qowmiyadda Canfarta, waxaana hadda qiil qiil kujira sii jiritaanka Djabouti maadaama lagu shubtay Xildhibaanadii Baarlamaanka