Mid Ka Mid ah Ergadii Copenhagen oo Ka Hadlay Khilaafka Madaxda Dalka.

Filed under: Wararka |

Maxamed Maxamuud Nuur (Caalim) oo ah lataliye Dowladda Finland kala taliya Siyaasadda Dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay Caawa Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dalka Soomaaliya iyo Shirkii Dhawaan lagu soo gabagabeeyay Magaaladda Copenhagen ee Dalka Denmark.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay Radio Dalsan ayuu ku sheegay Maxamed Maxamuud Nuur ( Caalim ) in Shirkii lagu soo idleeyay Magaaladda Copenhagen ee Dalka Denmark looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Ammaanka,Lacagaha iyo Xuquuqul Insaanka.
asad-denmark
Waxa uu intaasi ku daray Caalim in Shirka Copenhagen uu kusoo gabagaboobay sidii loogu talo galay balse waxa uu sheegay in Madaxda Dalka Soomaaliya iney shirka ka qeybgaleen iyadda oo uu dalka hareeyay Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Sido kale Caalim waxa uu sheegay in Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay inuu ku guul dareestay Xalinta Khilaafkasi iyo inuu meesha ka saaro arrinkasi sido kalena uu isku dayay inuu Xasan Sheekh ka dhaadhaciyo xal loo helo khilaafka kala dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha balse aysan dhicin.

[audio:http://www.puntlandobserver.com/wp-content/uploads/2014/11/Waraysi-Asad-Caalim.mp3]

Ama Moobiilkaaga ka dhegeyso

Source: radio Dalsan