Mooshinka maka badbaadin doonaan dalalka Khaliijka iyo Beesha Caalamku Xasan Sheekh (Maqaal Kooban)

Filed under: Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Waxaynan Soomaalidu ogayn in dalalka ay xoogga ku haystaan kaligi taliyaashu aynan ogalaan doonin in dal ay darisyihiin Shacabkoodu dhistaan nidaam ay Madaxdooda kula xisaabtamaan sida hadda Soomaaliya ka socota.

Maalmahaan waxaan ishu ku haynay diyaarad ay lasocdaan Madaxda Khaliijka oo markaas Shandada lacaga u keena Xasan Sheekh si uu arrinka Mooshinka u furdaamiyo.

Waxaa qudhooda ay calaamad su’aal saarantahay qaar kamid ah Beesha Caalamka sida ay raali uga noqonkaraan in Shacabka Soomaalida ay la xisaabtamaan Madaxdooda maadaama ay Soomaalidu tusaale u noqonkaraan dalalka Mandaqada oo ay xoog ku haystaan Kaligitaliyaal.

Bil Xaqiiqiyan qaar ka mid ah siyaasiyiinta Beesha Caalamku waxay lasoo qabsadeen Kaligitaliyaal xukuma wadamadaas oo ay si fudud ugala macaamilaan siyaasadda dalalka Mandaqada ay Soomaalidu ku nooshahay hadaad afarta dhanba ka eegtid dalalka dariska Soomaalida la ah waxaa xoog ku haysta kooxo yar yar, waana sababta uu Mooshinkaan u noqonayo Mooshinkii ugu horeeyay dalalka Qaaradda Afrika iyo dalaka Carabta ee Madaxwayne Baarlamaankii doortay ay doonayaan in ay la xisaabtamaan oo xukunka cod baarlamaan uga tuuraan iyadoo aannu dalka qalalaase ka dhicin.

Dhanka kale waxaa jira Qaar badan oo Beesha Caalamka ah oo Soomaalida kula safan in ay iskala xisaabtamaan siayaasiinta ay doorteen, waxaana jira shacab badan oo Mandaqadda ah oo aad ula dhacsan sida ay Soomaalidu ula Xisaabtamayaan Madaxda ay doorteen.

Waxaa maalmahaan Taleefishanada kasoo muuqanayay Faarax Sh oo ah Gacanyaraha dhanka kharashaadka lagu furdaamiyo xildhibaanada u qaabilsan xasan sheekh, markaad Faarax si fiican ugu sii fiirsato waxaad dareemaysaa in Faarax uu shandadiisii xooggaa lowgu soo riday.

Farax waxaa waraystay Yuusuf oo ah wariye horay BBC uga shaqaynjiray, Yuusuf oo ka qaybqaatay dood Mooshinka looga doodayay oo uu Yuusuf ka qabgalay ayuu Yuusuf ku Sheegay in ay Kooxda Madaxwaynaha ay is diyaariyeen oo ka dhigan in Faarax Yuusuf usoo sheegay in ay Lacagtii haystaan

Isku Soo duub oo haddii aynan Shacabka Soomaalidu aynan taageerin Xildhibaanada ay daacadda ka tahay in Soomaaliya la badbaadsho ay Markaas kooxda Xasan si fudud u guulaysanayaan

P/O Desk