Mucjiso: Mushaarka Cecelis ee 91-ka Wadan ee Dunida Ugu Qanisan, Iyo Venezuela Dalka Batroolka Uga Badan Dunida Oo Bishii Cecelis mushaar Laga Qaato 33 Dollar(Qoraal Kooban)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Linkiga hoose waxaad ka eegtaa mushaarka ay celcelis qaataan shacabka dalalka aduunka ku nool ay qaataan bishii marka canshuurta laga jaro.
Rankings by Country of Average Monthly Net Salary (After Tax)

-Dad badan baa aaminsan haddii Soomaaliya Batrool laga soo saari lahaa in Somalidu wada noqon lahaayeen taajiriin .

Balse arrinkaas ama fikirkaas naga dhaadhacsanaa waxaa beeniyay dalka Venezuela oo haysta kaydka shidaal ee dunida ugu badan, balse shacabka dalkaas ku nool ay fakhri yihiin, oo bishii u xaadiraan mushaar cecelis 30 dollar, halka Qadar shacabkiisu u xaadiraan bishii celcelis 3600$.
Hoos ka eeg Venezuela oo haysata kaydka shidaal ee dunida ugu badan waliba muddo dheer haysatay
List of countries by proven oil reserves

Isku soo duub aduunka waxaa la isku dhaafay miskax, siyaasad dagan oo aan caadifadaysnayn, waayo Venezuela waxay dhexdabaalatay siyaasado caadifadeed iyo in ay Maraykanka isku taagto, waxayna u badan tahay in dhankaas taakadu uga timid.

Waxaa kaloo iyana muhiima madaxda dalka hogaaminaysa sida ay musuqmaasuqa ula dagaalamaan, iyo sida ay ula dagaalamaan siyaasadaha daaran caadifadda, cuqdada, dagaalada ku xeeran.

Waa in ay dalka hogaamiyaan dad illaaheen subxaanu qaadir marwalba talada saarta, siyaasadoodana caadifad gude iyo mid dibadeedba ka illaaliya, asxaankana badiya.
Puntlandobserver desk