Mucjiso:Wasiirkii Kaluumaysigga ee Puntland oo isagoo wali Wasiir ka ah Puntland ku goodinaya in uu Somaliland xilkaqabanayo

Filed under: Wararka |

Maahmaahdii ahayd nin aduunyo noolow maxaa arragti kuu laaban.
Shacabka Soomaalidda illaa ay iskala xisaabtamayaan dadka ay masuuliyadda u dhiibtaan, waligood horumar gaarimayaan.

Ninka Siyaasigaa maanta dantiisa asagoo eeganaya ayuu shacabkiisii kadhiganayaa wax siduu rabo uu kayeelo waayo waxaan jirin laxisaabtan.

Wasiirka Khayraadka Badda ee Puntland Eng.Maxamed Faarax Aadan ayaad hadda ku gorgortamaya Masiirka Beesha uu kasoo jeedo oo markaas isagu dantiisa un eeganaya calashaan hadii aan isaga laqancin wuxuu ku dhaqaaqayaa wax allaale wixii uu dantiisa ku gaarayo, hadana dhanka kalena wuxuu leeyahay waxaan matalaa Beeshayda.

taas waxaa ay cadaynaysaa in Shacabku aanu lahayd wadooyinkii ay kula xisaabtami lahaayeen shakhsiyaadka masiirkooda marwalba ku gorgortama oo dantoodda awgeed danta shacabkoodda ugu tunta.

Waxaa kamidda Xaabsade oo sidii lo okeyto ugu tuntay danta iyo masiirka beeshiisa, sidoo kale waxaa kamidda Saleebaan xagla toosiye, hadana waxaa laga dharsugayaa Eng.Maxamed Faarax Aadan marka laga qaado jagadda uu hayo waxa uu ku dhaqaaqp isagoo hadda si caadiya warbaahinta aanba kala xishoon in uu sii socdo.

Halkaan ka daawo

One Response to Mucjiso:Wasiirkii Kaluumaysigga ee Puntland oo isagoo wali Wasiir ka ah Puntland ku goodinaya in uu Somaliland xilkaqabanayo