Muhiimadda Mashruuca Garacad Wardheer Ay U Leedahay Horumarka Gobalka Iyo Qolooyinka “Xaan Cunaa” oo Hortaagan (Qormo Kooban

Filed under: Important News,Wararka |

Mashruuca Garacad

Sida sawirka kore ku Cad Garacad waa halka ugu dhaw dhanka badda ee Gobalka Wardheer waxaana wada dega Hal jifi oo hoose inta u dhaxaysa Garacad illaa Wardheer oo dhanka nabadgalyada wax dhiba kama taagna, beelaha kale ee deegaanka waxka degana mashruuca waa laga qayb gallinlahaa, laakiin kalliya waxaa uu mashruucaasi u baahanyahay khuburo arragti fog leh oo aan ka laba labayn taabagallinta mashruucaas.
Sawirka kore ayaa sheegaya in Garacad iyo wardheer ay isku jiraan illaa 550 kilomitir, halka Gaalkacyo iyo boosaso isku jiraan

Waxaa jira dadyow badan oo mashruuca qabyaaladeeya oo ka eega dhanka qabyaaladda iyadoo heerar kala duwan leh, laakiin waxaa wanaagsan in dhanka waaqiciga laga eego iyadoo la eegayo, miyay jirtaa goob uga dhaw Garacad Gobalka Wardheer marka dhanka Puntland laga eegayo, hadday jawaabtu maya tahay waa in aan mashruuca meelo kale haba yaraatee laga eegin horay lowgu dhaqaaqo.

Waxaana jiray dadaalo iyo ballanqaadyo farabadan in Xukuumadda Madaxwayne Gaas ay ku taamaysay in ay mashruucaas hirgallintiisa ku guulaystaan, hase yeeshee waxaa jira caqabado farabadan oo mashruuuca lacagihii loo uruurshaba dhan kale u weecinaya iyagoo ka eegaya danahooda gaarkaa iyo wax ay cunaan.

Waxaana jirtay in dhawr meelood oo kala duwan mashruuca lacago looga aruurinayay, sida ballanqaadyo ay sameeyeen hay’adaha caawiya Puntland oo ballanqaadyo deeqo lacageed ballanqaaday sida World bank, europrn union, iyo sidoo kale shirkado iyana waday dadaalo ay mashruuca ku hirgallinayaan oo isugu jiray China iyo kuwo soomaali leedahahay iyo kuwo kaleba, waxa sidoo kale jiray ganacsato Soomaaliyeed oo doonaysay in ay mashruuca maal-gashadaan.

Hase yeeshee waxaa jira iyana qolooyinka maxaan cunaa oo doonaya in ay lacagahaas aagag kale u duwdaan si meesha nacfi looga helo.

Si kastaba ha ahaatee xaaladda Soomaaliya ka jirta ee aan u bixinay “XAAN CUNAA” ayaad mooddaa in ay ka weecinayso indhihii wanaagsanaa ee arki lahaa muhiimadda mashruuca, waxaana ay u badan tahay haddii la dayaco mashruuca in ay degmooyinkale ka faa-iidaysan doonaan.