Muhiimadda Saraynta Sharciga iyo Xiritaankii Radio Daljir (Qormo Gaaban)

Filed under: Important News,Wararka |

Kadib markii hab aan sharciga waafaqsanayn lagu xiray idaacadda Radio Daljir waxaa afka qaylo ku shubtay shacabka intiisii muwaadiniinta ahaa isla markaana fahansanaa muhiimadda sharciga oo cidwalba ka sareeya.

Haddii hal qodob oo sharciga ka mid ah la jabiyo waxaa si fudud loo jabin karaa qodabada kale, waxaana wanaagsan markasta in aad la jaalnoqotid cidda ku dhaqmaysa wadada sharciga.

Haddii aynan shacabka Puntland illaashanayn sharciga Xukuumaddii Faroole xukunka waligeed lagama qaadeen CabdiWalina Puntland Madaxwayne kama noqdeen, ee marwalba waxaa si iskaa wax u qabso ah isku xilqaamayay shacabka intooda fara kutirskaa oo arki kara sharciga oo laga dul boodo cawaaqib xumada ay yeelankarto, si khaasa Saxaafaddu waa tiirka ugu muhiimsan tiirarka xukuumad dimoqraadiyad lagu soo doortay, haddii ay calaamad su’aal gasho saxaafadda xortaa waxaa callaamad su’aal gallaya jiritaanka hanaan dimoqraadiyadeed, marka waa lagama hadlaan saxaafadda xortaa.

Runtiina fursad fiican bay ahayd xiritaankii Radio Daljir oo lagu kala ogaankarro shacabka intiisa dareensan Saraynta Sharciga iyo inta wali aaminsan in dawlad nimo lagu sii ahaan karro iyadoo aan sharciga la dhawrin.

Hanaanka daljir lagu xiray ama lagu siidaayay ayaan ahayn mid sharciga waafaqsan.

Caruurtuba markay guurguurashada baranayaan kuma bartaan dhagaysi (theory) ee waxay ku bartaan ficil (practise), marka reer Puntland waa ay tababaranayaan oo hadda waxay ku jiraan xiligii tijaabinta dimoqraadiyadda oo dhanka xukuumadda iyo dhanka shacabkaba faa-iidaa ugu jirta in dimoqraadiyadda la barto oo xooggaa mar marka qaarkood foodda la is darro, haddii kale waligeed hore loo dhaqaaqi maayo.

Marlabaad dhegeyso madaxwayne gaas oo ka hadlaya saxaafadda xortaa

2 Responses to Muhiimadda Saraynta Sharciga iyo Xiritaankii Radio Daljir (Qormo Gaaban)

  1. Pingback: Muhiimadda Saraynta Sharciga iyo Xiritaankii Radio Daljir (Qormo Gaaban) - Daily Somalia Report