Muqdisho mar haddii uu Shabaab haysto ma lagu Aamini karaa Caasimadda iyo Masiirka Soomaaliyeed

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Waxaa isa soo taraya sida aynan magaalada Muqdisho gacanta ugu jirin DFS isla markaasna ay inta badan shacabka ku nool Muqdisho ay lacag canshuura oo baada ay siyaan xarakada Alshabaab.

Waxaa xaqiiqa in 16 Degmo ee Muqdisho intooda badan ay si dadban uga arrimiyaan ururka Alshaab, waxaana isa soo taraya xitaa wasiirada iyo xubnaha Baarlamaanka in ay lacag baada oo canshuura siiyaan ururka Alshabaab, ruuxii dhiibiwaayana la khaarijinayo.

Meelaha yar yar ee ay DFS ku xisaabtanto ayaa waxaa ka arrimiya ciidamada Amisom oo taa qudheedu ah gacan shisheeye

Hadaba dad badan baa is waydiinaya Muqdisho ma lagu aamini karaa Masiirkii iyo Siyaasaddii umadda Soomaaliyeed maadaama aynan Muqdisho gacanta ugu jirin umadda Soomaalida balse ay ka arrimiyaan Alshabaab iyo Amisom.

Haddii ay Soomaali xal doonayso waa in caasimadda si ku meel gaara lowgu wareejiyaa dhul Soomaali gacanta ugu jira, inta taasi ka imanaysa amay habboontahay in qolo walbaa ay Maamul Gobaleedkeeda kasii shaqayso nabaddiisa

Hoos ka eeg sida ay alshaab iyo Amisom dhulka u kala maamulaan waa maapkii ugu danbeeyay
somali current map