Muranka Xuduudda Badda Somalia iyo Kenya Oo Saamayn Ku Yeeshay Xuduudda Kenya Iyo Tanzania (Falanqayn)

Filed under: Important News,Wararka |

Waxaa isa soo taraya dood cusub oo ay kenya ku doodayso iyagoo ku doodaya in xuduuda badda ee biyaha Badda soomaaliya ay ku saleeyeen xuduudda badda ee Kenya iyo Tamzania.
kenya-tanzania-sea-border

Halka ay Soomaaliduna ku doodayaan sida aduunku ku heshiiyay ama heshiisyo caalamayo oo xuduudaha badda aduunka oo ay Soomaaliya ka mid ahayd ayaa sheegaya in marwalba xuduudda labada wadana ee badda lagu saleeyo falaadha ka timadaadda xuduudda bariga ee labada wada u dhaxaysa halkii ay u ku wajahnayd in baduna sidaas ahaato.

sida Maapka hoose
kenya-somalia-sea-border

Kenya ayaa waxaa aad ugu yar dhererka xeebta ee badda halka ay Soomaaliya leedahay xeeb aad u dheer, haddii aad maabka eegtidna waxaadba arkaysaa in maapka Soomaalida laga soo qaloociyay meel badda u dhaw oo haddii ay daliigtaas toos usii soconlahayd ayba yaraan lahayd badka badda ee dhanka badda ee Kenya,

Si kastaba ha ahaatee waxaa ay u badantahay in arrinkaas lagu xallin doonno xagal 90 degree ah oo laga soo jiido halka ay ku kulmaan xuduudaha dhanka bariga iyo badda ee Somalia iyo Kenya sida aan maapka hoose ku cadaynay.

Waxaana arrinkaas keenaya saamaynta xuduudaha Tanzania iyo Kenya oo aan lagu xallin sidii caalamiga ahayd ee aad moodid in Kenya ay xaq u helilahayd dhul farabadan haddii Sida ay Soomaaliya ku doodayso falaadha loo jihayn lahaa, oo markaas ay dib usoo nooqonayso maran badeedkii Keny iyo Tanzania iyo dalalkaleba

kenya-somalia-sea-border-90-degree-map

Puntlandobserver desk

2 Responses to Muranka Xuduudda Badda Somalia iyo Kenya Oo Saamayn Ku Yeeshay Xuduudda Kenya Iyo Tanzania (Falanqayn)

  1. Pingback: Muranka Xuduudda Badda Somalia iyo Kenya Oo Saamayn Ku Yeeshay Xuduudda Kenya Iyo Tanzania (Falanqayn) - Daily Somalia Report