Musharaxa Madaxwaynaha Puntland C/laahi Ciddi-Libaax soo bandhigay barnaamijkiisa siyaasadeed[Bayaan]

Filed under: Wararka |

Gaalkacyo: Waxaa isi soo taraya murashaxiinta isku soo taagaya xilka madaxtinimadda Puntland ee sanadka danbe.Siyaasi Cabdilaahi Cali Barre oo kusoo biiray murashaxiinta xilka ayaa maanta Gaalkacyo kasoo saaray bayaan qodobaysan oo uu kusoo bandhigayo haddii la doorto waxa uu qabanayo.
cidi libaax

Bayaan uu kusoo bandhigayo musharaxnimadiisa MadaxweynanimadaDowlada Puntland, Mudane Abdullahi Ali Barre, ayuu waxa uu hoosta kaxariiqay 13 qodob oo noqondoona meelaha ugu mudan in laga unkorajada cusub ee Dowladnimada Puntland. Asagoo halheyskiisuna noqday“Musharaxa Madaxweynanimada Dhabta Ah CABDULAHI Cidi Libaax)”.

“Tani waxa ay noqondoontaa yabooh aan beeco kula galayo Dadka reerPuntland” ayuu yiri Mudane Abdullahi Ali Barre. Tiirarka gundhiga u ah Bayaanka ayaa ah sidan:

DOWLADNIMO: Barnaamijkayaga siyaasadeed waxa uu u balanqaadayaain hogaanka Dowlada Puntland ee Soomaaliyeed noqonayo mid lala xisaabtamo, hufnaan iyo cadaalad ku dheehan, awooduna noqoto midqaybsan, laamaha dowladana ku baahsan.

AMNIGA: Waxa aan bartilmaansan doonaa goobaha danbiyadu u badanyihiin, ha ahaadeen magaalooyinka waaweyn ama deegaanada hoostaga,anagoo geyn doona ciidan xirfadooda shaqo iyo agabkooduba sareeyo.Waxa aan dhaqan galindoonaa marxalad u sahasha muwaadin walba ooreer Puntland ah in uu ku noolaado nabad. Taasna waxaa saldhig u ah kor u qaadida tayada ciidanka Booliiska Dowlada Puntland.

KAABAYAASHA DHAQAALAHA: Siyaasadayadu waxa ay u qoondeysay 10% wax soosaarka wadanka in ay ku maalgaliso horumarintakaabayaasha dhaqaalaha shanta sano ee soo socota, tanoo dib u nooleyndoonta ilaha dhaqaalaha wadanka.

CAMIRKA MAGAALOOYINKA: Qorshahayagu waxa uu xaqiijin doonaa inmagaalooyinka Bosaasso,Garowe, Lascaano iyo Gaalkacyo, ay noqdaandeegaano halbowle u noqda ganacsiga iyodhaqaalaha, tanoo kuimaaneysa hirgalinta barnaamij ganacsi oo 24 saac ah.

SHAQADA: Waxa aan hirgalindoonaa barnaamij shaqo abuur oo tayadiisusareyso, kaas oo keeni doona fursado shaqo, dhalindoonana in baahidawaxsoosaarka gudaha iyo shaqaaleysiintuba kororto.

CAAFIMAADKA: Qorshahayaga caafimaad waxa uu ka mira dhalindoonaaadeeg caafimaad oo bilaash u ah dhalaanka da’doodu ka yar tahay shan sano. Waxa uu sidoo kale daahfuri doonaa barnaamijka XanaanadaHooyada oo aan ku baahin doono deegaan walba.

WAXBARASHADA:Barnaamijkayaga waxbarashowaxauutaabagalindoonaa waxbarasho bilaash ah laga bilaabo dugsiga hoose ilaaiyo dugsiga sare, tanoo ku saleysan dhameystirka baahida asaasiga ah eedhalaanka.

DOORKA ISIMADA:Siyaasadayadu waxa ay boorka ka jafeysaa kaalintaIsimada, anagoo xusi doona mansabka iyo karaamada ay Dowlada kamudan yihiin. Waxaan daahfuri doonaa Dalad ay u madax banana yihiin.

DOORKA HAWEENKA: Haweenku waxa ay kaalin muuqata kuyeelandoonaan Bulshadayada. Waxa aan dardargalindoonaa dadaalkayaga anagoo dib u eegeyna doorka haweenku ku leeyihiin nolashayada. Waxaan dhinac u riixi doonaa faquuqa gaarka ah ee Haweenka lagu hayo, anagoosiineyna fursad ay noogu faa’ideeyaan, kaalintoodana ku muujiyaan.

DHALINYARADA: Siyaasadayada ku qotonta doorka dhalinyarada waxaay daaha ka rogeysaa dhaqangalinta barnaamij -IT- ah, oo horseedayabarashada casriga Digital-ka, waxaan sidoo kale soo bandhigeynaabarnaamij ganacsiyeed u ogalaandoonadhalinyarada in ay ka qaybqaataan qandaraasyada dowladu bixineyso, anagoo lambar u cayimi doona.Cabdilaahi-Cali-Barre

BARWAAQEYNTA IYO CIRIBTIRKA SABOOLNIMADA: Siyaasadayaduwaxa ay soo bandhigi doontaa barnaamij guud oo dhowra bulshadasaboolka ah iyo qoysaska danyarta ah, anagoo ugu deeqidoona raashinbil-le ah. Tani waxa ay hoos u dhigeysaa faqriga iyo farqiga saboolnimada liidata. Waxaan sare u qaadi doonaa wax soo saarka beeraha iyokaluumaysiga.

DEEGAANKA: Siyaasadayadu waxa ay soo bandhigeysaa qorshe ay kuladagaalameyso nabaadguurka deegaanka ee baahaya iyo xaalufinta dhirtalagu hayo. Qorshahayagaasu waxa uu noqondoonaa mid taabagaliyabadbaadinta Deegaanka iyo bii’ada aynu ku noolnahay.

CAYAARAHA: Waxa aan u gundhigi doonaa siyaasad horumarisacayaaraha, anagoo abuureyna fursado kaalimo muuqda u horseeda cayaaraha Dowlada Puntland, tani waxa ay dhiirigalin u noqondoontaadhalinta Puntland, sidoo kale kor u qaadi doontaa magaca iyo maamuuskaPuntland.

GUUL IYO GOBANIMO PUNTLAND RAJADA CUSUB EE PUNTLAND CABDULAHI CIDI LIBAAX