MUSHARAXA MADAXWEYNAHA MAAMUL GOBOLLEEDKA XIMAN IYO XEEB.

Filed under: Wararka |

cusmaandheere

Ujeedo: Baaq ku wajahan bulshada Ximan iyo Xeeb: Sida aan dhamaanteen wada ogsoonahay bulshada Ximan iyo Xeeb ee ku dhaqan gobollada dhexe ee Soomaaliya waxay shantii sano ee ugu dambaysay ku caano-mashay nabadgalyo iyo horumar la taaban karo,taasna waxaa sabab u ahaa laba arimood oo kala ah: Maamul bulshadu isku raacsanayd oo jiray hawl muhiim ahna qabtay iyo shacabka Ximan iyo Xeeb oo muujiyey midnimo iyo iskuduubnaan aan inta badan ka jirin geyiga Soomaaliyeed.
Haddaba Inagoo arimahaas ka duulayna ayaa waxaa loo baahan yahay inaan qiimayn ku samayno duruufaha guud ee Ximan iyo Xeeb xiligaan ay ku sugan tahay iyo arimaha waaqiciga ah ee guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ay gashay waqtigaan kala guurka ah, tasoo loo baahan yahay inaan la nimaadno farsamaddii iyo hanaankii aan ula jaanqaadi lahayn isbedelka guud ee dalka ka soconaya.
Sidaas daraadeed, waxaan shacabka iyo maamulka Ximan iyo Xeeb u soo jeedinayaa kuna baraarujinayaa arimaahaan hoos ku xusan in la sameeyo:
In la illaaliyo midnimada iyo iskuduubnida bulshada, lagana digtoonaado wax kasta oo keeni kara tafaraaruq iyo xafiiltan kooxaysi ku dhisan.
In bulshadu ay adeecdo maamulka jira si uu ugu guulaysto hawlaha loo igmaday isla markaasna lagu taageero dhaqaalihii hawlaha lagu qaban lahaa.
In Madaxda maamulku ay la yimaadaan qorshe hawleed cad oo dib loogu habaynayo ama loogu dardar-galinayo hawlaha gaabisku ku yimid.
In dhammaan shacab iyo maamulba loo diyaar-garoobo sidii doorashada madaxtinimada maamulka ximan iyo Xeeb ay ugu dhici lahayd si waafaqsan nidaamka iyo xeerka u degsan maamulka Ximan iyo Xeeb.
In madaxda loo dooranayo maamulka sare ee Ximan iyo Xeeb ay noqdaan shaqsiyaad lagu yaqaan aqoon maamul iyo wax-qabad taariikheed taasooo haddii la yeeli waayo ay dhici karto in lagu guulaysan waayo hadafka la hiigsanayo.
Ugu dambayntii waxaan Illaah ka baryeeynaa inuu na waafajiyo towfiiqda
Musharaxa Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb ee Sanadka 2013.
Cismaan socdaal ayaa sheegay in uu yahay mid ka mid ah musharixiinta u taagan xilga madaxtinimo ee ugu sareeya maamulka Ximan iyo Xeeb.
HALKAN KA DHEGEYSO WAREYSIGA LALA YEESHAY OSMAAN DHEERE
Cismaan Maxamed Cali ( cismaandheere
cismaandheere@gmail.com