Muuse Biixi iyo Jawaab Gabaygii Anigoo wax dilikara Duco qaadan maayo oo xiliga uu doorashada ku jiro Maansooyin lala Beegsaday (Warbixin)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Muuse Biixi oo hadda Musharax culus ka ah Soomaaliland ayaa waxaa ku socda Duqaymo culus iyo dacaayado ay la beegsanayaan Musharaxiinta jagada kula tartamaya.

Hadaba Muuse Biixi ayaa xiligii 1993 beesha garxajis oo dhinac ah oo markaa Cabdiraxmaan Tuur iyo Caydiid la safnayd iyo Habarjeclo iyo Habarawal oo markaa cigaal la dhinac ahaa iyana, ayuu Muuse oo markaa ahaa wasiirka Arrimaha Gudaha wuxuu meel public ah ka yiri hadal laga duubay oo ku socday Taageerayaasha Cabdiraxmaan Tuur ama Garxajs

Hadaba hoos ka daawo Duco qaadan maayee anigoo wax dilikara

Gabay: Muuse Biixi uu ka tiriyaya Xildhibaan Ibraahin Rayte “Anigoo wax dili kara duco qaadan maayee halay doorto baan idhi “. Halkaan ka dhegeyso

Balaaki ayaa ka jawaabay Maansadii Xildhibaan Ibraahin Rayte waatan

Maansadan Kaftanka siyaasadeeda waxaa curiyay Sacad Cali Kaahin Raamalay ( Balaaki ) Waxaanu ugu jawaabayaa tixdii uu tiriyay Xildhibaan Ibraahin Rayte ee halkudhigeedu ahaa anigoo wax dili kara duco qaadan maayee halay doorto-baan idhi bal hadaba waatan jawaabtii ee lasocosho wacan Adigoo Durbaan Madhan Digta Reenka Faaruqa – See more at: http://oodweynemedia.com/?p=46251#sthash.1ZMKPHNy.dpuf

Adigoo Durbaan Madhan Digta Reenka Faaruqa
Dawankiisa Tumi Kara
Hanjebaad Daldali kara Daasad Shaanni Ruxi Kara
Dumarkiyo Caruurtiyo Ninka Jilicsan Didin Kara
Wadaadada Kudari Kara] Duco Qaadan Waydaye Dantaa Miyuu Habaar Yahay ?
Adigoon Wax Dili Karin Waxana Daaya Odhan Karin Sabeen Daylan Kolaytahay
Deerro Aan Birayn Karin Dadna Aan Kudhici Karin] Duco Qaadan Waydaye Dantaa Miyuu Habaar Yahay ? Adigoo Dakanno Daran Dabinkeeda Xidhi Kara Faji Daahan Dhigi Kara Doobirtaada Magan Gala] Duco Qaadan Waydaye Dantaa Miyuu Habaar Yahay ? Ragii Soo Dagaalamay Adoon Derejo Dheerayn Burco Duuray Xaadirin Buuraha Dushoodiyo Mandheera-na Ka Daahirin] Duco Qaadan Waydaye Dantaa Miyuu Habaar Yahay? Adigoon Col Diri Karin Duulaanna Hidin Karin Cidna Aan Duqayn Karin] Duco Qaadan Waydaye Dantaa Miyuu Habaar Yahay? Adigoon Dabayl Iyo Duufaan Siyaasiya Doc-na Aan Ka Kicin karin Dawga Halisi Mari Kari Diblamaansi Wayn Iyo Dimuqraadi Noqon Karin] Duco Qaadan Waydaye Dantaa Miyuu Habaar Yahay? Adoon Dacar Qadhaadh iyo Deebaaqda Mili Karin Dabka Maalin Furi Karin Dumin Karin Wuxuu Jira] Duco Qaadan Waydaye Dantaa Miyuu Habaar Yahay? Dulucdeedu Waxay Tahay Codku Dawersi Weeyee Dalka Markii Lasoo Galay Dirirtii Sukeeyaha Adigoo Dabuub Adag Dibnahaaga Laga Qoray Imikana Kudaray Dood Haamihiina Duudsiyay Halay Doorta-baan Idhi Daw Manoogu Leedahay? Adeer Waad Degdegaysaa Dib Fiirso Xaajaw Ha Darjiidhin ee Joog Digtoonaw Sagaal Jeer Debcidana Anays Kale] Awr Dabarka Soojaray Adoon Dooh Ku Odhan Karin Darka Waxarro Gayn Karin] Duco Qaadan Waydaye Dantaa Miyuu Habaar Yahay? Lasoco Q-dambe By Sacad Cali Kaahin ( Balaaki ) – See more at: http://oodweynemedia.com/?p=46251#sthash.1ZMKPHNy.dpuf