Muxaadarooyin Ku Saabsan Sida Illaahay U Abuurray( Dhulka, Malaa-igta,Jinn-ka, Bini-aadamka(Adam), Janada, Naarta, Naxariista,Caalamka(Universe)) (Kala Soco Puntlandobserver)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Important News,Taqwada,Wararka |

Bismillah.
Insha allah dhammaan walaalaha ku xirran P/O waxaan idinla socodsiinaynaa in aan waayada soo socda, aannu aad idiinku soo gudbin doonno, qisooyin, muxaadarooyin iyo muxaadarooyin diiniya oo ku saabsan quraanka iyo axaadiithtu aayadaha ay kaga sheekeeyeen abuuridda illaahay koomka iyo wixii kunool, malaa-igta, Jinn-ka (billowgii iyo dhammaadka).

Inta aan illaahay bini aadam abuurrin koomka yaa ku noollaan jirray??????.
Hadaba muxaadarooyinkaan waxay ka sheekayn doonnaan

Markii illaahay janada iyo naarta abuuray kadib ayuu illaahay bini aadam abuurray.
In Malaa-igta nuur laga abuurray isla markaasna aynan mallaa-igtu waxay rabaan samayn karrin ee kaliya amarka alle ku socdaa.
Markaas kadib illaahay Jinnka dabka intiisa aan qiiqa lahayn ka abuurray, balse Jinn-ka hanaanka illaahay u abuuray uu yahay mid ka duwan hanaankii malaa-igta loo abuurray, waayo iyagu doorasho, go’aan qaadasho (joice) ayay leeyihiin oo iyagu go’aanka iyagaa leh, hadday illaahay mulkiyaddisa rumaynayaan, hadday illaahay caabudayaan.
Balse markii illaahay Jinn-ka abuurray muddo dheer ka dib oo ay tirabatteen oo markaas is dulmiyeen oo islaayeen isna gumaysteen, musuqmaasuq ama fasahaad sameeyeen (corruption), markaas kadib illaahay mallaa-ig usoo dirray oo qaarna la laayay, qaarna aduunka laga bara-kiciyay oo meelaha qaar lagu sheegay in 2000 oo sano malaa-igtu la dagaalamaysay Jinn-ka, waayo Jinn-ka illaahay awood kabadan mida bini-aadamka ayuu siiyay.
Ibliis, Shaydaaanku waa qabiil kamida jinka, balse waxay ahaayeen qolo taqwo badan oo illaahay aad u caabuda, wuxuuna illaahay kamid dhigay in ay la jooggaan mallaa-igta oo janada xitaa uu joogi jirray.
-Illaahay ayaa ciidaha kala duwan kuwooda ugu fiican oo la qooyay (dhoobo) calay laga dhiggay wuxuu ka abuurray Adam (Awawgeen), Illaahya nabi Adam Janada ayuu ku abuurray, wuxuuna illaahay ka abuurray suurrad qurux badan, waxaana la siiyay caqli ka badan midka mallaa-igta iyo midka Jinn-ka, waxaana illaahay amray Ibliis iyo mallaa-igta in ay u sujuudaan Adam.
Mallaa-igta oo ka warhayay Jinn-ku wixii ay fasahaad dunida ka gaysteen markii la siiyay joice (doorasho, ama go’aan qaadasho) ayay illaahay mallaa-igtu ku yiraahdeen, illaahayow innagoo og wixii ay falleen Jinnku markii aad jaanis u siisay in ay iyagu joice leeyihiin, miyaad hadana hadda bini-aadam dunida ku abuuraysaa, oo go’aanka siinaysaa in ay wixii iyaga la habboon sameeyaan, sow sidii Jinn-kii dunida musuqmaasuq ugama samaynayaan.
Illaahay ayaa ugu jawaabbay mallaa-igtiisii (Illaahay waxwalba waa ogyahay), markaas ayay mallaa-igtu aqballeen oo yiraahdeen illaahayow waxwalba adaa og oo aan ku adeecaynaa.
Laakiin Ibliis oo illaahay ka abuurray dabka, kana mid ahaa qabaa-ilada Jinka, balse illaahay aad u caabudi jirray oo taqwo iyo adeecid badnaa, ayaa illaahay karaameeyay oo Ibliis illaahay wuxuu ku daray mallaa-igta.
Ibliis ayaana ka masayray bini -aadam, oo ku faannay in uu Ibliis bini-aadam ka fiican yahay oo yiri anniga waxaa la iga abuurray dab, halka bini-aadam laga abuurray dhoobo.
Wuxuuna ibliis diiday amarkii illaahay oo ahaa in uu Adam maqlo ama u sujuudo oo laga wado in uu ka danbeeyo.

Hadaba qisooyinkaan oo qofka iimmaankiisa aad iyo aad muhiim ugu ah qaybo kamida hoos ka daawo, qaybaha kalena waan idiin soo wadaa.

Waxaa si kooban qoraalka kore idinkugu soo diyaarray Ibrahin Gablax oo soo dhagaystay muxaadarooyinka hoose qaybteeda hore
Waxaanan ka codsanayaa Sh Mustafe iyo wadaadada kaleba in ay muxaadarooyin mulkiyadda illaahay ku saabsan noosoo diyaariyaan, kolaba Youtube-ka kuma arrag.

Hoos ka daawo 71 qaybood oo uu soo diyaariyay Omar Suleiman

Fadlan waa 71 qaybood ee marba qayb dhegeyso

Shiikh Bilal Philips
The Angels and the Jinn

Universe Size Comparison 3D