Nabadoon Cali Diiriye Aloore: Anigaa ah Nabadoonka Beesha Sacad ee koonfurta Mudug: Maamulka Galmudug ku taageeri mayno sheegashada deegaanada walaalahaya Puntland (Video)

Filed under: Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Markii ugu horaysay ayaa nabadoon ka soo jeeda Beesha Sacad ee koonfurta Mudug wuxuu ka hadlay Khilaafkii baryahanba murunka dhaliyay ee ay Madaxda DFS iyo Madaxdii Musharaxiintii Galmudug ay ku doodayeen in xuduudda Galmudug ay Burtinle tahay.

Nabadoon Cali Diiriye Aloore ayaa sheegay in maamulkaan cusub uu hadda carqalad ku noqday nabaddii ka dhexeysay shacabka Gobalka Mudug.

Wixii Illaahay naga reebay waxaa wanaagsan in laga waantoobo xasarada, dhulakana illaahay baa leh, laakiin Illaahay deegaanka qofba meel buu ku uumay, laga bilaabo Hoteel Taar oo Gaalkacyo geestiisa ah illaa Boosaaso ma aan tagi karo haddii aannan la socod dadka deegaankaas degga.

Galmudug deegaan uma laha Hoteel Taar, deegaan uma laha Burtinle, deegaan waa la yaqaan deegaanada Galmudug.

Annigu Walwaal baan ku dhashay hadana sheegan maayo oo dad baa illaahay ku uumay.
Hashiiskii Cabdullaahi Yusuf iyo Caydiid waa in la illaasho.

Beesha Galmudug iyo Beesha Puntland waxbadan oo wanaagga ayaa ka dhexeeya, Ganacsi baa ka dhexeeya.

Qalad baan u arkaa in Burtinle la yiraahdo waa Galmudug, dadka degan Jariiban iyo Burtinle iyagaa ikhayaar u leh meeshii ay raacayaan, waagii hore ayaa Mudug la isku oranjiray Burtinle Illaa Xarardheere, laakiin dhulkaa illaahay dad baa degan oo illaahy ku abuuray.

Hobyo iyo Xareerdheere Galmudug baa degan hadday caawa Puntland sheegato waa qalad.
Maamulka Galmudug haddii uu sax yahay waa taageeeri lahaa laakiin waa maamul laga soo horjeedo, waad ogatahay oo Ahlu Sunna waa ka soo horjeeddaa.

Wixii dhib ah oo ka dhasha maamulka Galmudug waxaa qaadaya wixiii ka yimaada Madaxwaynaha DFS, isagaa sameeyay.

Shacabka Gobalka Mudug waa dad illaahay meel ku wada nool, Puntland waligeen daris baan ahayn dagaal naguma soo qaadin, yaynan dadkale isku kaaya dirin, Ciidda illaaháy baa iska leh ninkii yiraahda Ciidda annaa leh waaba Imtixaan.

Hoos ka dhegayso waraysiga