Nabadooon Gaani: Mamulka Galmudug Ciidamadooda Daraawiishta Ayaa Dagaalka In Muddo Ahba Waday (Dhegeyso

Filed under: Important News,Wararka |

Nabdoon Gaani oo kasoo jeeda deegaanka uu dagaalku ka dhacay dhanka Puntland oo arrimaha dagaalka laga waraystay ayaa sheegay in aynan ahayn markii koobaad iyo labaad toona inta ay ciidamda daraawiishta ee Galmudug ay dadkaan xoolo dhaqatadaa in muddo ahba soo weerarayeen.

Gaani ayaa sheegay in aynan arrinkaas odayaasha dhaqanka waxba ka qaban karin waayo buu yiri marar badan baan isku daynay in aan odayashaa ka wada shaqayno nabadgalyada laakiin odayaashii waxay ii sheegeen in aynan waxba ka qaban karin maadaama uu arrinkaas ka imanayo maamulka Galmudug ciidamadiisa daraawiishta.

Dagaalku wuxuu ku bilowday ciidamada daraawiishta ee Galmudug ayaa soo weeraray subaxdii dadka shacabkaa ee deegaanka Galnbeedka Jariiban ee Ceelbardaale iyo Gacmafale.

Hadana markii ay shacabku is difaaceen waxay ka tageen dad mayda oo kamida askartii weerarka soo qaaday

Maamulka Galmdug ayaa baryahaaan wuxuu waday daandaasi aan caadi dhanka duulaanka ah.

One Response to Nabadooon Gaani: Mamulka Galmudug Ciidamadooda Daraawiishta Ayaa Dagaalka In Muddo Ahba Waday (Dhegeyso

  1. Pingback: Nabadooon Gaani: Mamulka Galmudug Ciidamadooda Daraawiishta Ayaa Dagaalka In Muddo Ahba Waday (Dhegeyso - Daily Somalia Report