Nicholas Kay iyo Gaas oo Garoowe ku kulmay warsaxaafadeedna wada qabtay (Dhageyso)

Filed under: Wararka |

Gaas ayaa sheegay in Nicholas Kay uu markii 6 aad yimid Puntland, isla markaana ay ka wada hadleen arrimo muhiima sida Khilaafka Puntland iyo DFS gaar ahaan Heshiiska shakiga dhaliyay ee Gobalada dhexe, Dastuurka DFS, Doorahada lafilayo 2016 DFS, sidii xiriirka DfS iyo Puntland loo hagaajinlahaa
gaas-nicholaskey1

Nicholas Kay ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay ayna Federaalka qayb kasii ahaanayso

Puntland waxaan u xaqiijinay in aynan wax saamayn ah ku yeelanayn dhulka Puntland heshiiskii dhawaan maamulka lowgu samaynay Gobalada dhexe.

Waan maqlay in Puntland arrimo baddan ay Walaac ka muujisay, waana kuwo Macquula

Waxaan sii wadaynaa Horumarinta DFS iyo Puntland.

Waxaan rabna in Soomaaliya ay noqoto 2016 Dawlad Federaala oo horey usii socota sidaa waxaa yiri Nicholas Kay.

Garoowe ayaa maanta waxaa kasocda sanadguuradii koobaad ee xafiiska Unobas Garoowe iyow axgabadkii uu ku tallaabsaday.

[audio:http://www.puntlandobserver.com/wp-content/uploads/2014/08/Gaas-iyo-Nicholas-Key-garoowe.mp3]

Ama moobiilkaaga ka dhageyso