Nin Agoon ku Xaday Qalin (Hees Madaxda Soomaalida ku socota)

Filed under: Important News,Wararka |


Nin Agoon ku Xaday Qalin

Qaylada dad muumin ihi
Dhayal kuma qarsoontee
Qadhaadh yidhi: ’Macaankii
Qariya!’ xasuustee,
Nin agoon ku xaday qalin
Kheyr kama macaashee.

Xaqu in aanu qaranjabin
Quraankaa caddeeyee,
Reer dhan qeyrki kii cunay
Yey ku maqantay qaanee,
Rag baan qoomammiyo ciil
Ayaamo aan qadeeynnine.

Rag baan qoomammiyo ciil
Ayaamo aan qadeeynnine,
Kaa qorsheeystey kelidii
Qaaraan uu rag leeyahay,
Wakhti ay ku qaraxdaba
Qaaxo kama fogaadee.

Xoolaha qaran dhan kii yidhi:
’Qallaylkaad ku madhinoo’,
Qalle kugu maqnaa baa
Kugu qoon-dillaacee,
Qosolkii hablaha iyo
Maadan mahadin Qaaliye.

Luuqda: Hobollada Waaberi
Laacdantunka: Muusigga Hobollada Waaberi