Nin Sheegtay In Uu Alshabaab Kuwa Qaraxyada Sameeya Ka Tirsanaa Sir Badan Kashifay, Waxaa nala Shaqeeya Isgaarsiinta

Filed under: Wararka |

Ninkan oo videogaan soo dhigay Facebook ayaa madaxa soo duubtay isla markaana sheegay in uu ka tirsanaa ururka Alshabaab qaybta ku takhasusay qaraxyada.
Wuxuu sheegay in uu Alshabaab ka baxay balse uu kashifayo siro farabadan.

Xukuumadda farmaajo waxaan u sheegayaa in aynan waligood Alshabaab ka guulaysanayn waayo buu yiri Alshabaab waxaa la shaqeeya shirkadaha Xawilaadaha kuwa isgaarsiinta, shirkadaha Korontada, shirkadaha diyaaradaha, shirkadaha Biyaha, waxaba waxay la shaqeeyaan Alhsbaab.

Waxaa nala shaqeeya ururada Soomaali Alitaxaad, Soomaali Masiixi, Soomaali islaax, Soomaali akhwaanul-muslimiin, Somali Shuuci.
Waxaa nala shaqeeya, shirkadaha xawalaaddaha, Ganacsto, waxaan haystaa intaas ii Simkaar.
Farmaajo haddii ay 50$ kun Turkigu siiyaan maxay taraysaa, 50$ kun ninka isbishaaliistahaa ee qaraxyada sameeya saacad gudaheed baa la siiyaa waayo waxaas oo aan kor kusoo sheegay baa nala shaqayn jiray.
Videogaan baa baraha Facebook lasoo dhigay, laakiin in uu runyahay in kale ma hubno.

Hoos ka daawo.