Prof: Cabdi Ismaaciil Samatar: Oo Si Daacada Uga Sheekeeyay, Waxa Ay Madaxtooyadu Ku Qaldantahay, Waxa Jawaari Ku Qaldanyahay, Waxa Khayre iyo Fahad Yaasiin Ku Qaldanyihiin, Talo Fiican Soo Jeediyay Daawo

Filed under: Important News,Wararka |

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo aan marwalba ku daabici jirnay Puntlandobserver oo aan oran jirnay nin ka daacadsan Soomaali majiro halkaan ka eeg qoraaladaas

Ayaa maanta runta ka sheegay dhibka ka jira Soomaaliya.
Prof Cabdi Ismaaciil ayaa sheegay qolada leh Jawaari baan badelaynaa ma soomaali bay u danaynayaan mise waxay rabaan in ay ku madashaan mid mr Yes man ah oo wax walba shaabadda ugu dhufta.

Prof Cabdi Ismaaciil ayaa sheegay in Jawaari yahay nin aan shaqaysan oo sadex saac kaliya shaqeeya, Baarlamaankaa la furayaa 8-da subaxnimo, waxaa la sugaa inta Jawaari ka imaanayo, wuxuu yimaadaa 11-ka, laba saac ama sadexsaac buu joogaa waana baxaa.
Madaxtooyada Farmaajo ma xukumo oo waa ognahay rag kalaa xukuma —> waa runtiis wuxuu ka wadaa fahad Yaasiin.
Farmaajo waa nin qalbi wanaagsan laakiin ma ahan nin bulshada siyaasad wanaagsan oo qorshe leh ku jahayn kara, go’aana maleh –> Waa runtiis.

Qolada xukuumadda waxay rabaan in ay akhlaaq xumo iyo laaluush ku ridaan Jawaari –> waa runtiis.
Talo.
haddii daacad layahay ninka Baarlamaanka ugu wayn Baarlamaanka haloo sii dhiibo in muddo ah, ama Gudoomiyaha aqalka sare Xaashi ha loo dhiibo, inta shakhsi daacada laga raadinayo—> waa runtiis.

Halkaan ka daawo.

One Response to Prof: Cabdi Ismaaciil Samatar: Oo Si Daacada Uga Sheekeeyay, Waxa Ay Madaxtooyadu Ku Qaldantahay, Waxa Jawaari Ku Qaldanyahay, Waxa Khayre iyo Fahad Yaasiin Ku Qaldanyihiin, Talo Fiican Soo Jeediyay Daawo