Prof Joseph-stalin-ka Puntland oo maalmahaan magacaabay Agaasimayaal iyo Gudoomiye

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |


Joseph-stalin
Waxaan maalmahaan ku faafinaynay warbaahinta Puntlandobserver in Soomaalidii meel walba ay jooggaan deegaanadooda lagu maamulu nidaamkii aduunka ugu diktaatoorsanaa ee uu Siyaad Barre kasoo maanguuriyay Diktaatoorkii Russia Joseph-stalin, si aad arrinkaas si fiican ugu fahanto akhri maqaalkan

Xukun Boobka Madaxda Soomaalida iyo doorka ay ku leedahay in aan dib loo hanan Qaran Soomaaliyeed iyo Hanaan maamul wanaag (Qaybta 2aad)

Wiiggaan Prof Gaas wuxuu magacaabay agaasimaha Ayraboorka Boosaaso iyo Gudoomiyaha Gobalka Mudug.

Hadaba waxa marwalba aadan qaadankarin waa marka aad arragtid prof-kii dhamaa ee jaamacadahii dalalka Dimqraadiyaddu ka jirtay waxka dhigi jiray oo hadana shacabka reer Puntland ka ballanqaaday in uu reer Puntland isbadal u horseedayo, balse markaas si hoose shacabka u waraysanay ay noosheegeen in uu profasoorkaan noqday ruuxuu ugu diktaatoorsanaa madaxdiii Puntland soo martay isla markaana aanba ogalayn wax wadatashiya.

Marar badan baan usoo jeedinay Madaxwayne Gaas waliba xukuumadiisa Guul u ahaan lahayd, haddii shacabkii sidii lo’okayto usoo dhaweeyay uu u dayn lahaa in ay jagooyinka muhiimkaa in gudiyo shacabka qaybihiisa kala duwan matalaya oo madaxbanaan ay kala saaraan tartamayaasha jagooyinka agaasimayaasha ee aannu Profasoorkii dhamaa Puntland ku noqon mixnad iyo caqabad ka hor istaagta in uu nidaam cadaaaliya ka hirgalo Puntland.

Dad badan baa iswaydiinaya talow prof Gaas muxuu aduunyo uga baahanyahay maanta illaahay hanti kufilan waa siiyay, cilmi uu noloshiisa ku xamaasho illaahay waa siiyay, maxaa maanta uga wanaagsanaan lahaa isagoo shacabkiisa maamul hufan oo shacabka aan awoodda laga boobin u horseeda.

Muxuu prof Gaas uga baahanyahay in la amaanno iyo in hadal aan niyadda ka imaan oo kaliya mansab lagu doonayo lagu sasabto, si mansab lowgu gaaro.

Prof Gaas hadduu rageedii yahay wuxuu qaadanayaa go’aan ah in uu xukunka shacabka u daayo oo waliba inta uu xukunka hayo uu Dastuurka Puntland lagu qoro in calaa aqali Agaasimayaasha aannu Madaxwayne iyo Wasiir toonna soo magacaabin ee jagooyinka lowgu tartamo hab dastuuriya oo markaas gudiyo lagusoo xulay xeer Dastuuriya ay kala saaraan u tartamayaasha jagada agaasimayaasha ee aannu Madaxwayne iyo Wasiir toonna soo magacaabin waayo nidaamkaas waa kan caqabadda ku ah dalalka africa oo dhan waana nidaamkii Joseph-stalin.