Puntland & Jubbaland: Iyagaa Ka Seexday La Xisaabtanka ‘Dowlanda Federaalka’

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Wararka |

Puntland & Jubbaland: Iyagaa Ka Seexday La Xisaabtanka ‘Dowlanda Federaalka’

Booqashada Madaxwaynaha Dowlada Goboleedka Jubbaland uu ku tagaayo Garoowe, waa mid muujinaysa sida ay lagama maarmaanka u tahay in labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland ay siyaasad ahaan iska kaashadaan arimaha ay labada maamul isku mowqifka ka yihiin, isaga midna ka yihiin.

Inkastoo uu fiicnaan lahaa in uu xiraarkaan uu ahaado mid joogto ah, sal adagna leh, isla markaana aan isbed bedel lahayn, ahaadana mid muuqda, iyadoo uu maamul kasta danahiisa gaarka u ah uu wato. Sabatuna waxay tahay, waxaa batey is qabqabsiga labadaan maamul iyo Dowlada Federaalka. Marka madaama aysan cidna dani ugu jirin muran iyo iska hor imaad joogta, isu soo qaylo dhaanka maamuladaan markii ay soo foodsaarto arimo ay ku dhaliilaayaan Dowlada Federaalka, waxaa u dhaanta in ay cadaystaan mowqifkooda.

Taas macnaheeda ma aha in ay Soomaalinimada ka tagaan, hadiise ay u cadeeyaan Dowlada Federaalka mowqifkooda ayaga oo isku duuban, waxay meesha ka saaraysaa isku dhaca iyaga iyo Dowlada Federaalka ka dhex dhaca markasta. Markaa waxaa Dowlada Federaalkana u xaqiiqoobaysa in la’aantood aysan go’aan gaari karin. Waxaan qarsoonayn in labadaan maamul ay hada garowsadeen in Dowlada Federaalka ka soo xirxirtey dhinacyo badan oo ay guud ahaan labadaan maamul xor u ahaayeen, gaar ahaana wax yaabo badan oo ay Puntland xor u ahayd madaama ay iyadu jirtey intaan la aasaasin Jubbaland. Taasna ay tahay mida qasabtey in ay mustaqbalkooda ka wada tashadaan.

Wararka soo ifbaxaaya, gaar ahaan, dadka u dhuun daloola siyaasada maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegaya in ay hogaamiyaasha labada maamul goboleed garowsadeen qaladkoodi ugu waynaa, kasoo ah ka gaabinta ay ka gaabiyeen in ay cadaystaan mowqifkooda siyaasadeed ee ‘FEDERALISM-KA’. Arintaan ma aha mid Dowlada Federaalka lagu eedayn karo, maxaa yeelay waxaad moodaa in labada maamul sariirta dheeraysteen iyaga oo isku halaynaaya Dowladaha daneeya siyaasada Soomaaliya iyo sidii ay u degi lahayd Soomaaliya. Waxaa xaqiiqo ah in ay hada garowsadeen in ay hada ka hadlaan, isla markaana u istaagaan MOWQIFKOODA sida Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa soo if baxaaya in ay labadaan maamul ay garowsadeen meesha ay uu fikirkooda ka qaldamay, taasoo ah hor boodka dowlada FEDERAALKA, ayaagoo ka shidaal qaadanayaa maamulka Somaliland, hadan raba in ay miiska soo fariistaan ayaga oo matala maamulkooda. Maamulka Somaliland inkastooo uu asigu gooni isu taaga ay ka go’an tahay, hadana waxay ku dadaaleen in cadaystaan mowqifkooda oo aan la ogayn meesha uu ku danbayn doono.

Hada iyo dan, inkastoo uu waqti badan ka dhumay maamuladaan, hadana waxaa laga yaabaa in HIIGSIGA 2016ka iyo isbedelka siyaasadeed ee hada socda uu ka dhigi doono maamulada Puntland iyo Jubbaland kuwo u taagan, rumaysan, isla markaana aan cidna uga xishoon mowqifkooda siyaasadeed madaama ay taas ay xal u noqonayso isku dhaca maamul goboleedyadaan ama kuwo kaleba iyo Dowlada Federaalka.

Photo: Isma. www.puntlandobserver - your gate of Somali news around the world

Photo: Isma.
www.puntlandobserver – your gate of Somali news around the world

Waxaa qoray Mohamed Barre – Junlay [BULUF], oo wax ka qorana arimaha Soomaalida, degana magaalada Minneapolis, MN – junlay99@aol.com