Puntland oo warsaxaafadeed kasoo saartay in Madaxwayne kuxigeenka laga difacay ciidan soo weeratay

Filed under: Wararka |

lataus

WAR SAXAAFADEED
30 November 2013

Ciidamada ilaallada Madaxweyne-ku-xigeenka Dowladda Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire oo jooga Degmada Taleex ee Gobolka Sool ayaa iska difaacay weerar maalintii November 28 ay soo qaadeen maleeshiyo uu hogaamiyo siyaasi-isku-sheega Mr. Maxamad Yusuf Jamac (Indhosheel) oo ka yimid Qurbajoogta Europe.

Waxaa isku dhacaasi ku dhintay hal askari oo ka tirsan Ciidamada Puntland iyo dhaawac culus oo soo gaaray askari kale, iyadoo maleeshiyadii Mr. Indhosheel ay ku soo weerareen ciidamada ilaallada Madaxweyne-ku-xigeenka Puntland hub culus sida lidka taangiga.

Waxaa isku dhacaasi ku dhintay todobo (7) ka mid ah maleeshiyadii Mr. Indhosheel oo soo weerartay ciidamada Puntland.

Maalintii November 27, Mr. Indhosheel iyo maleeshiyada uu hogaamiyo waxay yimaadeen wadada laamiga ah oo isku xirta Garowe iyo Hargaysa, tuulada lagu magacaabo Godd Qaboobe oo 11km dhanka bari ka xigta magaalada Tukaraq oo ah
xarunta KMG ah ee Gobolka Sool, isla markaasna uu ku yaalo Kastamka iyo difaaca hore ee Dowladda Puntland.

Ciidamada Puntland waxay laamiga ka baacsadeen Mr. Indhosheel iyo maleeshiyadisii si aan hakad u gelin isu socodka dadka, gadiidka iyo ganacsiga u dhaxeeya gobollada ku yaala Puntland iyo Somaliland. Mr. Indhosheel wuxuu damacsanaa inuu Tukaraq ka go’doomiyo gobollada Puntland, uuna carqaladeeyo isu socodka, deegaankaasina ka abuuro jawi amnidarro ah.

Wararkii ugu dambeeyey waxay caddeynayaan Mr. Indhosheel inuu u baxsaday dhanka xuduudda Somalia iyo Ethiopia.

Dowladda Puntland ayaa hore dhowr jeer u dulqaadatay tallabooyin daandaansi ah oo lagu khalkhalgalinayo nabadda iyo amniga dalka. Mr. Indhosheel iyo maleeshiyadiisa la magacbaxday “Khatumo” waxaa abaabula oo maalgaliya siyaasiyiin hore u fashilmay iyo khalkhalgeliyaasha dibedda, kuwaasoo ujeedkoodu yahay in xasilooni darro laga abuuro Puntland ka hor doorashooyinka January 2014.

Tan iyo bishii August 2013, Madaxweyne-ku-xigeenka Puntland wuxuu ku sugnaa qeybo ka mid ah Gobolka Sool, gaar ahaan degmada uu ka soo jeedo ee Taleex, si uu dhiirigaliyo nabadda iyo dib u heshiisiinta dadka deegaanka, ugana hirgaliyo mashaariic horumarineed.

Dowladda Puntland waxay ku baaqaysaa nabad iyo xasilooni, waxayna ugu yeeraysaa dhinacyada inay kusoo biiraan nidaamka iyo habraaca siyaasadeed ee sharciyeysan ee Puntland si loo hormariyo nabadda, cadaaladda iyo horumarka da