Qadaafi OO 16 Waxqabad Oo uu Liibiya U qabtay Lasoo bandhigay iyo Sh Shariif oo Bartiisa Faceboogga Ku Faafinaya

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Sh Shariif Madaxwaynihi Hore ee Soomaaliya ayaa bartiisa Facebuugga ku soo bandhigay qormo uu nin Gaaniis ah tarjumay oo ka sheekaynaysa waxqabadkii Qadaafi.

Hadaba marar badan baan aad ugu daabacnay P/O in aynan waxba soo kordhinayn kaabayaal dhaqaale oo nin kaligii taliye ah uu dhisay, isla markaana uu xukunkii bulshada ka boobay oo shandad uu ku ritay, maadaama aan bulshadii la barin xukunkii baahsanaa iyo maamul wanaagii, ayaa haddii uu ninkii kaligii taliyaha ahaa ee xukunka dalka oo dhan shandada ku watay haddii uu meesha ka baxo waxaa la waynayaa dalkii oo dhan waayo shacabkii ayaan waxaan u dhisnayn nidaam dawliya oo shacabku ay isku maamulaan, dhamaan maamulka dalka ayaa hal shakhsi gacanta ugu jiray.
Waana sababtaas dhamaan maamulada ay xukumaan kaligi taliyaasha aan la isugu halayn karin, waayo maxay tahay sababta looga qarinayo wixii shacabkaan ay wada lahaayeen, qadaafi waxwalba oo wanaagsan oo uu sameeyo ma cirkuu ka keenay sow wixii umaddu wada lahayd ma ahan, maxaad umadda waxoodii shandada ugu ridanaysaa.

Akhri maqaalkaan Xukun Boobka Madaxda Soomaalida iyo doorka ay ku leedahay in aan dib loo hanan Qaran Soomaaliyeed iyo Hanaan maamul wanaag (Qaybta 2aad mar labaad)

Barta Facebook ee Shiikh Shariif halkaan ka eeg

Hadaba halkaan ka akhri qoraalkii Sh Shariif.

Waxa La Turjumay(Afsoomaali Lo bedelay) Qoraal Uso Dhigay Isago English Ku Qoran Nin U Dhashay Wadanka Ghana.16 Qodob Amma Sababood Oo Loo Diley Qadafi Madaxwaynihii Libya, Loona Baaba’shay Libya.
1- Majirin Wax Biil Koronto Ah Oo Laga Qaadi Jiray Muwaadin Kasta Oo Libyan ah. Dhammaan Wadanka Korontadiisu Waxay Ahayd Bilaash.
2-Majirin Wax Saaritaan Lacageed Ah Dhanka Bankiyada, 0%.
3- Qadafi Wuxuu Hirgeliyey Amma Saxiixay Sharci Dhigaya In Uusan Qof Familygiisa Ahi Helin Guri Ilaa Uu Muwaadin Kastaaba Helo Guri. Qadafi Aabihii Wuxuu Dhintey Isagoo Aan Lahayn Wax Guri Ah.
4- Laba Kasta Oo Is Guursadaa Waxaa Lasiin Jiray Lacag Gaadhaysa 60,000 Diinaar Oo U Dhiganta (50,000$).
5- Waxbarashada Iyo Adeega Caafimaadka Ee Muwaadin kasta Oo Libyan Ah Waxay Ahayd Bilaash. 25% Ayaa Waxbarasho Tegi Jiray Qadaafi Kahor Dabadiina 83%.
6- Muwaadinkii Doona Inuu Shaqaysto Isagoon Lahayn Aqoon Waxaa Laga Caawin Jiray Waxbeerashada Iyo Xoolo Dhaqashada, Waxaana Lasiin Jiray Guri Beeri Kudhex Taal.
7- Haddii Qof Libyan Ahi Kabaxo Jaamacad Balse Uusan Helin Shaqo Waxaa Dawladu Siin Jirtay Lacag Udhiganta Aqoontiisa.Inta Uu Shaqo Kahelayona Lacagtaas Ayu Qaadan jiray.
8- Qof Libyan Ahi Haddii Uu Gato Gaari Kala bar lacagta Waxaa Kabixin Jirtay Dawlada.
9- Shidaalka Litre Kasta Waxa Uu Ahaa Qiime Garaya 0.14$. Wax Aan gaarin 0.5cent.
10- Majirin Libya Wax Dibada Uga Imaan Jiray,Sidas Oo Ay Tahayna Waxaa Gudaha Wadanka Kaso Xeroon Jiray Lacag Gadhaysa 150 billion.
11- Qofka Aan Gelin Jaamacad Ee Waxbarashada Iyo Shaqada Aan Haysan Waxaa Dawladu Ku Kaabi Jirtay Lacag Dhan 2,300$ Bil Kasta.
12- Dakhliga Saliida Wadanka Waxaa Toos Logu So Shubi Jiray Bankiga Dawlada Waxaana Dib Loogu Celin Jiray Shacabka Libya.
13- Hooyo Kasta Oo Dhasha Cunug Waxay Qaadan Jirtay 5,000$.
14- 40 Xabo Ee Rootiga Ahi Waxaa Lasiin Jiray Qiimo Dhan 0.15 . Wax kayar 0.5cent.
15- 25% Bulshada Libya Waxay Dhamaysteen Jaamacadaha.
16- Qadafi Wuxuu Sameeyey Qorshe Horumarineed Uu Ubaxshay “The great man” Oo ah ” Ninkii Sareeyey Ama Qiimaha Badnaa” Oo Uu Ula Jeeday Waari Mayside War Hakaa Hadho.
Ugu Danbayntii Haddii Hogaamiyaha Sidaas Uwanaagsan Ee Ummadiisa Sidaas Ugu Shaqaynaya Lagu Tilmaamayo Amma U Yahay Keligii Taliye, Dimuquraadiyada Waxa Reer Galbeedku Ula Bexeen Ee Ay Kusheegaan Jahanama Ha Isla Galaan”.
Walaal, Haddiibaa aAad Intaan So gaartay Share U Sii Dheh Asxaabtaada Si Ay Uga Faidestaan Qoraalkaaan##

W/Q AbdiHakim D Bolis