Qanacsatada Leh Makiinadaha Lacagta Faalsada Daabacda Waa In Booliska Aduunka (INTERBALL) Lagu Dacweeyo(Qoral Xasaasiya)

Filed under: Important News,Wararka |

Maanta Puntland waxay maraysaa meeshii ugu khatarsanayd xagga dhaqaalaha maamulka iyo aminiga.

– Waxaa wadanka ku habsatay abaar gaadma-reebto oo dadkii xoolihi ka dhammaysay.

-Baddii oo lagu siidaayay illaa 300 oo markab oo ay wataan  qanacsato iyo maamulka oo iswata, oo baddii la jariiftay wax shacabka u soo noqdaana aynan jirrin.

-Lacag faalso ah oo dhulkii harqisay oo dadkii ay kala garan waayaan waxay waxku gataan.

-Aaminaaddii iyo  Kalsoonidii oo meesha ka baxday iyo macaamiladii dadka, taasu waxay dhalisay in Buurtinle, Gaalkacyo, Garoowe, Boosaaso intuba ay mudaaharaadku ka socdaan.

-Arrintaas oo gaarsiisay heerkii ugu xumaa iyo in isku hor-imaad uu yimaado, taasoo ay dad ku dhinteen.

-Arrintaas oo sahlaysa in cadowgii dibadda iyo kii gudaha ay iskaashadaan oo Puntland la kala daadiyo, arrintaasna waxaa sababay maamul xumadda xukuumadda iyo Baarlamaanka iyo hantidhawrka oo shaqadoodii gabay oo fadhiid noqday.

-Dawladda Federaalka oo soo daabacaysa lacag, hadhow lacagtaas in la badello marka la rabo, ma lacagta faalsadaa ee makiindaha lagu daabacday  baa lagu badelahayaa??

Mise dadkaa la cayraynayaa oo waxba la idinka  qaadanmahayo ayaa la oranahayaa.

-Arrintaas waxaan u jeedinaynaa Profasoorda Puntland xukuma in ay arrintaas ka jawaabaan.

-Dhaqaaluhu wuxuu u baahanyahay qorshe iyo nabadgalyo.

-Nabadgalyaduna waxay u baahantahay qorshe iyo dhaqaale.

-Maantana Puntland arrintaasi ma taallo.

Fiiro gaara.

Baarlamaanka Puntland oo lacag qaadasho ku  caanbaxay, innay dadka u naxaan oo u saaraan guddi madaxbannaan innay baaraan maamul xumada dhaqaale iyo lacagta faalsadaa.

Innay xilka ku xayuubyaan ciddii ay ku cadaato, maxkamadna u gudbiyaan oo xabsiga la dhigo.

Kuwii dalka dibadiisa u baxsadayna in INTERBALL-ka lagu dacweeyo oo la soo qabto.

Haddii ay saas samayn waayaan innay la midyihiin qolada maafiyadaa oo dad iyo dal midna innaynan u naxayn.

Ciidamada Booliska daraawiishta, iyo nabadsugidda waxaan sheegaynaa inay ka shaqeeyaan nabadgalyada iyo xasiloonida dalka, waxay dhib qabaanna waan ognahay.

Waxkastoo dhiba oo ay qabaan ciidanku waxaa ka wayn midnimada iyo xasiloonida dadka iyo dalka, jiritaanka dalka iyo dadka ayaa waxkasta ka wayn.

-dhanka kale Culumada iyo cuqaasha iyo indheergaradku waa in ay ka hadlaan dulmiga oo aynan aamusin.

Qore Warsame Axmed