Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay saaka Garoowe, Puntland

Filed under: Wararka |

Gaari ka mid ah kuwa UN-ka oo lagu xiray bambaano ayaa ku hor qarxay nawaaxiga xarunta UN-ka ee Garoowe, waxaana dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay shaqaale ka tirsan xarunta UN-ka iyo dad ka dhawaa aaga qaraxu ka dhacay.

Sida wararka aan ku helayno Dadka ku dhintay Qaraxan ayaa gaaraya ugu yaraan tobon  qof oo  ka mid ah shaqaalaha UN-ka, dhaawacuna intaas ka badanyahay.

 

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa isla markiiba soo gaarey ciidamada amaanka ee Puntland kuwaas oo xirey  wadada qaraxa uu ka dhacay, iyagoo shacabka iyo giidiidka ka hor istaagay in ay maraan wadooyinka u dhow xarunta UN-ka oo ku taal dhanka Galbeed ee magaalada Garoowe.