Qodabadda Raysalwasaare uu wato oo ka caraysiisay shacabka reer Jubbaland Akhri Qodabadda.

Filed under: Wararka |

cowfight

Waxaa wax lala yaabo noqotay Dawladdan Raysal wasaare saacid oo gabigeeduba soo xallinla arrimaha Suuqa bakaaraha oo hadanna shaqo kadhigatay faragalinta iyo burburinta Maamul ladoonayo in laga hirgaliyo Jubbooyinka.

Halkaan ka akhri Qodabadda uu saacid leeyahay waa in auy hirgallaan.

1- In Shir weynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo lo badalo Shirweyne Dib u heshiisiin oo ay ka qayb galan Beelaha Wada daga Jubboyinka iyo Gedo .

2- In Hogaaminta Shirweynaha lo madax baneeyo Dowlada Fadaralka Somalia

3-In aan dib danbe lo maqlin Magaca Raskambooni oo ay ku dhex milmaan Maamulka Dowlada.

4-In Ciidamada ku sugan Gobolada Jubboyinka la isku dhafo Xaquuqdoodana ay Dowlada ka helaan.

5-In dhamaadka Shirweynaha dib u heshisiinta u ka soo baxo Maamul KMG ah oo shaqaynaya 6 bilood.

6-In Dhaqaalaha ka soo baxaa Dakada iyo Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo lagu wareejiyo Wasaaradihii ku shuqulka laha.

7-In 6 bilood ka dib marki la xoreeyo deeganada gacanta ugu jira Al-Shabaab la dhiso Maamul Goboleed dastuurka waafaqsan.

Arrinkaaan ayaad moodaa mid dhabar jabku ah hanaankii lagu heshiiyay ee Federaalka ee Hoos kadhis kor u dhis.
Waxaana ka muuqda maamulka Raysal wasaare saacid caqligii ahaa in kor wax laga keenno.

Haday Dawladda kumeel gaarkaa doonayso in howshan daacad u qabsoonto waxay ahayd in ay yiraahdaan waxaan rabnaa in Qaabka Xildhibaanadda Loosoo Xulayaa uu ahaaddaa qaab Cadaalad ku salaysan, isla markaanna haday jirraan Beelo aan hadda ku qanacsanayn qaabka ay hadda wax u socdaan, la dhagaysto oo lagu soo darro shirka, ee ma ahan in layiraahdaa Dawladdaa waxaba go-aan ka gaaraysa.

Dawladda waxay ahayd in ay kashaqeeyaan amaanka iyo cadaaladda Caasimadda Soomaaliya oo loo baahnaa in ay Si cadaalad ku dheehantahay u mamulaan arrimaha Caasimadda, iyo Gobaladda ku xeeran, hadiise Qolo ay dadaalayaan waxay ahayd in ay Garab istaagaan oo ka toosiyaan wixii ka qaldan.

Puntland observer