Qodabka 69 ayaa sheegaya in Marka raysal wasaaraha Xilka laga qaadayo ay tahay in marka hore la dhagaysto kadibna hab gacantaaga xilka looga qaado, Qodobkaas oo dastuuriya waxaa is hortaagat Gudoomiha Barlamaanka (Akhri Qodabadda Dastuurka)

Filed under: Wararka |

dastuurkasoomaaliya
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa lagu eedaynayaa in aanu si fiican u waadixin Qodobkaan Dastuurigaa bal hoos ka eeg.
Sidda ku cad Qodabka 69-aad farqidiisa 2-aad (C), waxaa uu leeyahay qodobkaas waa in marka hore loo yeero Raysal wasaaraha taas oo ka dhigan in laga dhagaysto waxa lagu haysto, kadibna markaas cod looqaado.

Laakiin Jawaari waxaad moodaa in uu xeer jajab ama tii dhaqanka soomaalidda ee ahayd laba nin baa is haya ee waa in aan labadoodda wada dhagaysano ama diidno, waxaad moodaa Jawaari in aanu daacad ka-ahayn ama aqoon u lahayn dastuurka ama uu lasafan yahay Garabka Madaxwaynaha.

Qodobkaan ayaaba ka hor imanaya in cod looqaado in uu hadlo Raysal wasaaruhu iyo inkale, mana ahan Qodob dastuuriya Xaqiiqiyan.

Halkaan kilig sii si aad u akhrisid Dastuurka oo dhamaystiran
Qodobka 69aad. Awoodaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah

1. Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah wuxuu leeyahay awood sharcidejin oo ah:
(a) Inuu ansixiyo, wax-ka-beddelo ama diido sharciyada la horkeeno;
(b) Inu curiyo sharci kasta oo cusub oo aan ka ahayn kan la xiriira miisaaniyadda
sanadlaha ah, kaas oo uu diyaarinayo Golaha Wasiirrada.
2. Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka waxaa kale oo uu leeyahay
awoodahan dheeriga ah ee soo socda:
(a) Inuu oggolaado ama diido guddiyada madaxa bannaan ee Ra’iisul-Wasaaruhu
hor-keeno Golaha Shacabka;
(b) Awoodda la-xisaabtaanka iyo kor-joogtaynta hay’adaha Dawladda ee Heerka
Qaranka, gaar ahaan dhinaca hubinta dhaqangelinta sharciyada dalka;Guddiga Dib-u-habeynta Qabyoqoraalka Dastuurka
27
(c) U-yeeridda Rai’iisul-wasaaraha, xubnaha golaha wasiirrada, Gudoomiyayaasha
Guddiyada Qaranka iyo Xafiisyada Madaxa Bannaan. Mas’uul kasta oo uu u
hoggansami waaya u-yeeridda, wuxuu Golaha Shacabku awood u leeyahay inuu
dib-u-eegid ku sameeyo xilkiisa;
(d) Inuu Ra’iisul Wasaaraha, xubnaha Golaha Wasiirrada iyo barnaamijika
xukumadda kalsooni ku siiyo codayn gacan-taag ah ee aqlabiyadda tirada guud
ee Golaha Shacabka 50% +1;
(e) Inuu cod aqlabiyadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1 oo gacan-taag ah
kalsoonida Golaha Shacabka ugala noqdo Ra’iisul-Wasaaraha iyo kuxigeenka/kuxigeennada Ra’iisul-Wasaaraha;
(f) Doorashada iyo xil-ka-qaadidda Madaxweynaha sida ku cad Dastuurka;
(g) Hirgelinta muhiimadaha kale ee uu u oggolaadey Dastuurku, si loo hubiyo
dhaqan-gelin habboon iyo dib-u-eegid Dastuurka