Qoraal-murtiyeedka Shirweynaha 2aad ee Akadeemiye- Goboleedka Afsoomaaliga

Filed under: Important News,Wararka |

Qoraal-murtiyeedka Shirweynaha 2aad ee Akadeemiye- Goboleedka Afsoomaaliga

Akadeemiye-Goboleedka Afsoomaaliga.
Muqdisho, 24/2/2015
Source: http://www.somaliacademy.org/

Shirweynihii labaad ee Akadeemiye-Goboleedka Afsoomaaliga ee qabashadiisa lagu go’aamiyey Bayaan-heshiiseedkii 26 Juun 2013 ee ay wada saxiixeen dawladihii iyo maamulladii wada asaasay Akadeemiyahan, wuxuu idanka Eebbe ku qabsoomay magaala-madaxda Soomaaliya, Muqdisho, 23 – 14 Febraayo 2015. Shirweynahan waxaa lala mataaneeyey Toddobaadkii Afka Hooyo ee Muqdisho, 21 – 15 Febraayo 2015 ee lagu xusay Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, munaasabaddaas oo uu ku dhex qabsoomay Shir-madaxeedkii ay ku kulmeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Md. Xasan Skeekh Maxamuud kulankaas oo ay labada madaxweyne si wadajir ah ugu dhagaxdhigeen xarunta Akadeemiyaha ee Muqdisho.

Shirweynaha waxaa ka soo qaybgalay ergooyin matalayey xubnaha, laamaha iyo guddiyada kala duwan ee Akadeemiyaha iyo xeeldheereyaasha Afka iyo suugaanta Soomaalida kuwaas oo isugu jirey qaar ku sugnaa magaalada Muqdisho iyo qaar badan oo ka kala yimi gobollada kale ee Soomaaliya, dalalka Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya ama guud ahaanba gayiga Geeska Afrika ee lagaga hadlo afka Soomaaliga. Waxaa kaloo Shirweynaha ka soo qaybgalay ergooyin iyo xeeldheerayaal ka kala yimi Yurub iyo Woqooyiga Ameerika, dalal ay ka mid yihiin UK, US iyo Talyaaniga (magacyadooda ka eeg lifaaqa.

Shirweynaha waxaa gogoldhig looga dhigay shir-cilmiyeed lagu falanqeeyey arrimaha Af-soomaaliga, kaas oo xus iyo xusuus ahaan loogu maamuusay halyeeyadii u soo halgamay Af-soomaaliga iyo qoraalkiisa, kuwaas oo ay ugu geeri dambeeyeen Xuseen Sheekh Axmed Kadare, Shariif Saalax Maxamed Cali iyo Aw-Jaamac Cumar Ciise oo saddexduba ka mid ahaa asaasayaashii Akadeemiyahan iyo odayadii hormuudka ka ahaa. Shir-cilmiyeedkaas waxaa ka soo baxay go’aano dhaxalgal ah oo ku wajahan horumarinta Af-soomaaliga iyo Halabuurkiisa. Ka dib markii la isla meel-dhigay qodobbadii Ajeendaha, waxaa la gudagalay falanqayntii qodobbadaas. waxaa lagu bilaabay falanqaynta waxqabadkii Akadeemiyada xafiiskeeda dhexe, laameheeda kala duwan iyo afarta guddi ee xeeldheereyaasha oo ka warbixiyey hawlgalladoodii iyo qorshe-hawleedyada guddi kastaa ugu talagalay waxqabadka saddexda sano ee soo socda dhinaca uu u xil-saaranyahay. Waxaa kale ee Shirweynaha lagu soo bandhigay qabyo-qoraalkii Xeerka cusub ee ay yeelan doonto Akadeemiyadu iyo majraha waxqabadkeeda.

Fadhigiisii gunaanaddka Shirweynuhu wuxuu soo saaray go’aanada soo socda:

1. In si rasmi ah loogu mahadceliyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Md. Ismaaciil Cumar Geelle dadaalka madaalenimo ee uu ugu jiro ilaalinta iyo horumarinta Afka hooyo iyo aqoonta uu xambaarsan yahay. Waxaa si gaar ah madaxweynaha looga mahadceliyey kaalintii aabbonimo ee uu ka soo qaatay asaasiddii iyo hirgalinta Akadeemiye-Gobleedka Af-soomaaliga. Waxaa si diirran looga mahadceliyey waqtiga qaaliga ah iyo naf-hurka uu Muqdisho ku yimi si uu u sharfo dhagaxdhigga xarunta Akadeemiyaha.

2. In sidoo kale loo mahadceliyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Md. Xasan Sheekh Maxamuud dadaalka weyn ee uu asaguna isu taagey daryeelka Afka hooyo iyo hirgalinta Akadeemiyaha loo asaasay. Waxaa si gaar ah looga mahadceliyey martigalinta Shir-madaxeedka iyo Shirweynaha labaad ee Akadeemiyaha.

3. Shirweynuhu wuxuu ansixiyey qabyo-qoraalkii Xeerka Akadeemiyaha loona gudbiyey Dawladaha Akadeemiyahan ku midaysan kuwaas oo leh ansixinta kama-dambaysta ah ee natiijada Shirweynaha, sidii lagu qeexay Bayaan-heshiiseedka kor ku xusan.

4. Qabyo-tirka hawlaha dhimman, sida tifaftirka xeerka kama-dambaysta ah iyo ku diyaarintiisa Afka Soomaaliga, dhamayrtirka dhismaha Golaha Xeeldheerayaasha, dajinta qorshe-hawleedka kama-dambaysta ah, Shirweynuhu wuxuu u wakiishay Golaha Fulinta.

5. Shirweynuhu wuxuu isku raacay magacaabista Golaha Tala-bixinta iyo Odayaynta, xubnihiisana waxaa loo doortay:

– Xaashi Cabdillaahi Orrax
– Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi
– Maryan Cariif Qaasim
– Ciise Maxamed Siyaad
– Axmed-nuur Jimcaale
– Maryan Faarax Gooje
– Xuseen Maxamuud Rooble (kamaash)
– Garaad Kulmiye Maxamed

6. Markii la soo gaadhey qodobkii doorashada Hoggaanka ee la isla falanqeeyey, Shirweynuhu wuxuu go’aamiyey inay xilka sii hayaan Guddoomiyihii hore iyo kuxigeenadiisii. Waxaa kaloo la go’aamiyey inay iyaguna xilka sii hayaan xubnihii Golaha Fulinta marka laga reebo intii geeriyootey iyo intii xilkooda gudan weydey, kuwaas oo loo wakiishay Guddoonku inay soo jeediyaan xubno cusub oo beddela iyo in la kordhiyo xubnaha dumarka ah. Ka dibna waxaa la isku raacay Golaha Fulintu inuu ka koobnaado xubnaha soo socda:

Guddoonka

– Dr.Maxamed Daahir Afrax – Guddoomiyaha Akadeemiyaha
– Dr. Cabdinaasir Axmed Ibraahim – Guddoomiye-ku-xigeen
– Dr. Cabdirashiid Maxamed Ismaaciil – Guddoomiye-ku-xigeen

Xubnaha

– Prof. Saciid Saalx Axmed
– Prof. Cabdalla Cumar Mansuur
– Axmed Faarax Cali Idaajaa
– Axmed X. Cabdiraxmaan
– Mustafa Cabdullaahi Fayruus
– Hibo Muumin Casoowe
– Cabdillaahi Ismaaciil Cumar
– Caasha Geelle Diiriye
– Maxamed Cali Kalay
– Saynab Daahir
– Safiya Sheekh Cumar
– Cabdirashiid Cumar(Cawsgurow)
– Cabdinaasir Yuusuf Macallin
– Sacdiya Muuse Axmed
– Maryan Cabdillaahi Warsame.