Qorshe Hallis Ku Ah Hannaanka Doorashooyinka Iyo Iyadoo la Doonayo In Doorasho La galo Iyadoon Shacabka La Tirakoobin (Video + Fallanqayn)

Filed under: Aqoon-kororsi,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Runtii waa arrinka koobbaad ee aan marwalba P/O kusoo bandhigi jirnay hannaanka ugu wanaagsan ee ugu cadaaladsan in doorasho lagu galo.

Halkaan ka eeg qaar kamida qoraalo iyo codad aan arrinkaas horay marar badan uga haddalnay

Wuxuuna ka billowgdaa hanaanka tartanka asxaabta badan
1) in shacabka la tirakoobo, si loo hello deegaan doorasho (constituency)
marka doorasho laga hadlayo in shacabka la diinwaangalliyo, waxaa ka muhiimsan in la tirakoobo, waayo diinwaan gallin iyo tirakoob waa kala labo inkastoo ay hadana isku xiran yihiin.
si loo helo halbeegga deegaan doorasho (constituency) waa in shacabka la tirakoobo ama odayaasha dhaqanka haloo xilsaaro, ama hala diinwaangalliyo, waayo xildhibaanku wuxuu matalaa dadka codeeya iyo kuwa aan codayn oo wuxuu matalaa shacabka ku nool deegaan doorashada (constituncy) laga soo doortay kuwa u codeeyay isaga, kuwa ka codeeyay, kuwa aanba codayn, kuwa aan xuquuqda u lahayn in ay codeeyaan ee aan gaarrin 18 jir, kuwa laga tirada badan yahay dhammaantood.

Aad baan uga xumaaday hadalka uu ku hadlay xoghayaha gudiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Dahir Mire Jibriil mar uu waraysi siiyay Cabdixakiin Gaarhaye ee ah doorashada halagu galo hanaankii gaabiska ahaa ee Somaliland ee halbeegga doorashada lagu saleeyay dadka is diinwaan galliyay, waayo Somaliland horta wali xildhibaanada golaha sharci dajinta looma codayn, halbeeg deegaan doorashana maba aynan samayn, kaliya waxay sameeyeen hanaan xaal mastuura oo aan dunida ka jirrin oo ah inta is diinwaangallisay ha codeeyaan, marka kuwii aan is diiwaan gallin dalka sow waxkuma laha.

Isku soo duub Soomaalidu waxay tiraahdaa Alif Kaa Xumaadaa Al-Baqruu ku Dhibaa, haddii aan hadda waxwalba sida daacaddaa lawgu salayn waxbadan waa laga shalayn doonnaa, waxaana ka mida hanaankii 4.5 lagu saleeyay dhibkii uu keennay, iyadoo siyaasiyiintii xiligaas ay ka fakarayeen sidii ay iyagu dalka ku xukumi lahaayeen.

Si kooban u diyaariya Ibrahin Gablax
Hoos ka dhegeyso Dahir Mire Jibriil oo arrinkaas ka hadlaya.