Qunsulo la magacaabay oo Khilaaf xoogan ka dhex dhaliyay Xasan Sheekh & Cabdiweli

Filed under: Wararka |

Qunsulo la magacaabay oo Khilaaf xoogan ka dhex dhaliyay Xasan Sheekh & Cabdiweli
khilaaf cusub ayaa soo kala dhex galay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Khilaafkan ayaa salka ku haya Qunsulo uu wasiirka arimaha dibadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle u magacaabay dhowr wadan oo caalamka ah.
Ra’iisul wasaaraha ayaa ka biyo diiday magacaabsitaas, wuxuuna soo saaray warqad uu ku joojinayo magacabista qunsulada.

Wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in qunsulada uu magacaabay Wasiirka arimaha dibadda uu ka dambeeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana aan lagala tashan ra’iisul wasaaraha.
Qaanuunka waxa uu ahaa in marka hore wasiirka arimaha gudaha soo jeediyo, kadibna golaha wasiirada ay ansaxiyaan, kadibna uu madaxweynaha saxiixo, laakiin madaxweyne Xasan uu ka weecdan process-kaaas.

Qunsulada la magacaabay ayaa waxa ay kala yihiin Qunsulka Soomaliya ee Dubai iyo Nairobi oo leysku bedelay, iyo qunsulo cusub oo loo magacaabay India, Gambia iyo Zambia.
Waxaa intaas dheer xoghaye isna loo magacaabay Jarmalka.

Source:http://markacadey.com/