QurboJoogta Oo Dareentey: Fool Xumada Nidhaamka FEDERAALKA

QurboJoogta Oo Dareentey: Fool Xumada Nidhaamka FEDERAALKA

PHOTO | FACEBOOK. FEW people attended Jubbaland event which is a TESTIMONY of failure of FEDERALISM. http://www.puntlandobserver.com – your source of Somali news around the world

PHOTO | FACEBOOK.
FEW people attended Jubbaland event which is a TESTIMONY of failure of FEDERALISM.
http://www.puntlandobserver.com – your source of Somali news around the world

Waxaa xalay ka dhacay xaflad lagu soo dhawaynayey Barasaabka Gobolka Jubbada Hoose, kaasoo ah nin uu magacaabey Madaxwaynaha Maamulka Ku Meelgaarka ah ee Jubbaland: Ahmed Mohamed Islaam ‘Madoobe’. Sida caadada ah, xafladaha soo dhawaynta ayaa ah mid aad looga soo qaybgalo.

Waxaase dhacday, sida ka muuqatey sawirada la soo geliyey baraha Socialka sida FACEBOOK-ga, in dad aqad tiro yar ay ka soo qaybgaleen xaflada.

Qaar QurboJoogta ka mida ah ayaa aaminsan in halkaas ka cadahay in ay jirto kala qaybsanaan soo dhexgalay jaaliyada REER kismaayoodka-asalootiga ama REER Jubbaland iyo dhalin isku magacowday in uu iyagu masuul ka yihiin hogaanka Jaaliyada REER Jubbaland ee magaalada Minneapolis. Dhalintaan oo ku andacootey in iyaga uu Madaxwayne Madoobe u magacaabey in madax u noqdaan jaaliyada reer JUBBALAND ee gobolka Minnesota.

Marka, su’aasha ay QurboJoogta is weydiinayaan waa hadii ay madaxda DOWLADA goboleedyadu ay magaacaabaan jaga kasta oo la xariirta BULSHADA, ha ahaato mid dibadeed ama mid dalka gudihiisa ka shaqaysa, sidee maamul xor ah, oo CADAALAD ku salaysan loo helayaa?

Hadaba, qaar ka mida jaaliyada oo aan la hadlay, ayaa waxay walaac wayn ka muujiyeen cawaaqibxumada uu nadhaamka FEDERAALISMKA ku yeelan karo dadwaynaha madaama ay dhici karto in uu noqdo mid ay ku adeegtaan dad yar ama qabiilo xulufo ah, isla markaana cuna qabteeya BULSHADA inteeda kale, keeni kartana CADAALADA daro, duudsi iyo xuquuqda dadka oo lagu tunto.

Sidaas awgeed, ayaa waxay QURBOJOOGTA soo jeediynayaan in ay taageeraan system-ka loo yaqaan: CENTRAL ama UNITARY system, kaasoo awooda siinaya DOWLADA DHEXE oo ay kula xisaabtamaan madaxda DOWLADA goboleedyada iyo sida ay u dhaqmaan.

Waxaa idiin soo direy: Mohamed Barre – Junlay ‘BULUF’ qoraa madaxbanaan, waxna ka qora arimaha Soomaalida, degana magaalada Minneapolis, MN – junlay99@aol.com.

One Response to QurboJoogta Oo Dareentey: Fool Xumada Nidhaamka FEDERAALKA

  1. Pingback: QurboJoogta Oo Dareentey: Fool Xumada Nidhaamka FEDERAALKA - Daily Somalia Report