Rabshado ka bilowday Gobalka Sool kadib Doorashadii Madaxwayne ee uu Galaydh ku guulaystay

Filed under: Wararka |

Waxaa isa soo taraya rabsahdaha kasoo cusboonaaday Gobolka Sool, gaar ahaan Magaalada laascaanood oo xaaladeedu kacsantahay kadib markii ay magaalada soo buuxdhafiyeen shacab taageersan Cali Khaliif oo lulaya Calamada Soomaaliya iyo khaatumo.

Arrinkaas oo ka caraysiisay Ciidamadii Soomaaliland oo shacabka rasaas oodda uga qaaday isla markaana la sheegayo in dhaawacyo jiraan.

Dhanka kalena waxaa la sheegayaa in Ciidamo Tigniko oo Soomaaliland ah ay dhanka Saaxdheer aadeen, iyo ciidamada deegaanka Saaxdheer oo iyaguna isdiyaariyay.