Reer Gaalkacyo oo Mashaariicda Un-tu bixiso si cadaalada ugu tartansiisa Shirkadaha u tartama Fulinta Mashaariicda (Daawo)

Filed under: Wararka |

Mashaaric laga fulinayo Gaalkacyo iyo shirkadihii tartanka u galay fulintooda oo maanta la soo bandhigay (Sawirro)

Waxaa Maanta Xarunta Dawlada Hoose ee Gaalkacyo lugu Soo Bandhigay Shrkaddo u Tartamay Labo Mashruuc oo laga Fulinayo Gudaha Degmada Gaalkacyo Xarunta Gobolka Mudug.

10 Shirkadood ayaa Soo Tartamay Waxaana Shirkadahaan ay ku Tartamayeen Dhismaha Wadada Durdur ee Xaafaada Garsoor iyo Wadada laamigaa ee Magaalada Taas oo qayb ka Mid ah Dayactir lugu Samaynayo.

Soo Bandhiga Shirkadaha Tartamay Waxaa ka Qaybgalay Duqa Degmada Gaalkacyo, Mudane Cabdicasiis Jaamac Guuleed, Xoghayaha Dawlada Hoose ee Degmada Gaalkacyo Ibraahin Soofe Xubno katirsan Golaha Deegaanka ee Gaalkacyo iyo Waliba Shirkadaha soo gudbistay Araajida, Waxaana Si Cad loosoo Bandhigay Qiimaha Shirkad Walba ay ku Qaban karto Dhismaha Wadada Durdur iyo Dayac Tirka qaybta ka Midkaa Waddaii Hore ee Laamiga ahayd taas oo Magaalada kala barta.

Duqa Gaalkacyo Mudane Cabdicasiis Jaamac Guuleed oo si kooban Saxaafada ula Hadlay ayaa sheegay in si Cadaalad ah loo kala saarayo Shirkadaha waxaana uu intaasi raacshay in Dawlada Hoose ee Gaalkacyo iyo Masuuliyiinta ka Socda Hay’ada ILO oo Mashruucaan qayb ka ah Dhanka GPLG-na u matalaysa ay goob joog ka yihiin Madasha ayna Marayaan Habka Cadaalad ah oo loo Fiirinayo Shirkadu Maxay ka qaban karaysaa Hawlahaan Socda Dhamaan.

Sarkaal u Hadlay Hay’ada ILO ayaa sheegay in lugu Kalsoonaado gudiga Kala saaraya Shirkadaha labada Mashruuc u tartamaya oo gaaraya 10 waxaana uu intaasi raaciyay in dhamaan hawlahaan Socda ay Degmada Gaalkacyo ay cashar ka baranayso Hawdhoowna loo baahanyahay in qaabkaan ay u marto Mashaariicda ay Fulinayso.

Horaanta Todobaadka Soo socda ayaa la shaacin doonaa shirkadaha Guulaystay Sida uu Xaqiijiyay Mid kamida gudiga kala saarista SHirkadaha Tartamaya.

Mashaariica Haatan Gaalkacyo ka Bilaamanaya ayaa qayb ka ah dadaalka maamulka Degmada Galkacyo oo kaashanaya Bulshada uu ku doonayo inay Gaalkacyo uga soo kabsato Dhanka Hormar la’aanta oo la sheego inay tahay Magaalo ka hartay Magaalooyinka kale ee Dawlada Puntland.

tartanka Mashaariicda Gaalkacyo

tartanka Mashaariicda Gaalkacyo1

tartanka Mashaariicda Gaalkacyo2

tartanka Mashaariicda Gaalkacyo3

tartanka Mashaariicda Gaalkacyo4

tartanka Mashaariicda Gaalkacyo5

tartanka Mashaariicda Gaalkacyo6

SR: RReeb