Reer Puntland oo aan wali diyaar u ahayn in ay kala Xushaan Musharaxiinta ee taa badalkeedda ku mashquulay wixii aan ka digaynay iyo Musharax loo Mashxarado

Filed under: Wararka |

lataus

Xaqiiqiyan Xaaladda Soomaaliya halis bay ku jirtaa, hadii aynan Soomaalidu dabeecadiihii hore ee soo jireenka ahaa aynan badalin, dhamaan dalkaas iyo dadkaas hallis bay kujiraan.

Hadda Puntland waxay kujirtaa Xilli aad iyo aad u mihiima oo aan waligood soo mari doonin.

Shacabka reer Puntland waxaa looga fadhiyaa in ay laba arrimood ku mashquulaan waxa kalena ay faraha ka qaadaan.

1) Sidii ay usoo xulan lahaayeen Xildhibaano aqoon leh oo leh karti ay kula xisaabtamaan Madaxwaynaha iman doona 2014
2) In ay baaritaan iyo tartansiin kusameeyaan Musharaxatiinta u tartamaysa qabashadda Hogaanka dalka.

Sidee Musharaxiinta loo kala saarayaa.

Waxaa aad u muhiima in Doodo fagaareed laqaban qaabiyo hadiise ay taas ka fursan waydo waa in Warbaahintu si iskaa wax u qabso ah ay Diyaariyaan Su-aalo aad u adag oo Musharax kasta la waydiinyo

Su aalahaas waxaa ugu muhiimsan.

1) Musharax maxaad ka taqaan Dawlad wanaag, see dalkaan dawlad wanaag ugu soo dabbaali kartaa
2) Shaqo la’aan baahsan baa jirta sidee shaqo u abuuri kartaa, sidee Miisaaniyadda dalka u kobcin kartaa
3) Musharax Sidee Doorasho Xalaala dalkaan uga hirgalinkartaa maadaama 15 sano horey looga hirgalin waayay.
4) Musharax Dalkaan cadaalad daraa harqisay, sidee Nidaam Cadaalad ku shaqeeya uga hirgalinkartaa, maleedahay aqoonteedda iyo kartideeda, sidee musuqmaasuqa ula dagaalami kartaa
5) Musharax Imisa luuqadood baad ku hadashaa, Waqti intee le’eg ayaad khibrad shaqo leedahay, Aqoon iskuul ma leedahay waase intee aqoontaadu Luuqadaadda English iyo carabi iyo Soomaali, ogaadana Luuqada Soomaaliga waa tan ugu muhiimsan.
6) Musharax matahay Codkar u jawaabi kara cid walba oo Puntland Daandaansata, maleedahay Hadalkeedda kartideedda codkeedda, hadalyaqaanimadeedda, codkarnimadeedda dhamaan astamaahas maleedahay.
7) Musharax sidee shacabka reer Puntland u midaynaysaa, sidee cadaalad nidaamkaaga ugu soo dabaalaysaa, sidee Dhaqaaha iyo jagooyinka iyo Shaqooyinka iyo wasiiradda ugu qaybinaysaa shacabka Puntland.
8) mushatax Puntland Beelaa isku darsaday hadana Musharaxiintii waa hal beel, sidee u hirgalinkartaa Nidaam laga arko shaashadda Musharaxiinta isa soo sharaxya xiliga xiga dhamaan Beelaha wada samaystay Puntland.
8) Gobaladda Sool sanaag iyo Cayn Arrimihoodda sidee xal ugu keenaysaa maxaad kayeelaysaa bal noo bayaani.
9) Musharax shacabka Puntland 90% waa xoolo dhaqato, dhaqaalaha Puntland 90% Xoolahaas buu ku xiranyahay, hadana shacabka reer baadiyahaa waa dhibanyihiin oo iskuul mahaystaan biyo mahastaan, siyaasadda kama qaybqaataan, Maxaad shacabkaas u haysaa.

10) waa badan yihiin waxaa loo baahanyahay in shacabka lagaarsiiyo Musharax uga jawaaba shacabka su-aalaha ay iswaydiinayaan.

Dhanka Xildhibaanadda

Sidaa si le eg waa in lasoo xulaa Xildhibaano ka garasho iyo Karti badan Musharaxiinta oo leh awood ay isaga dhiciyaan oo kula xisaabtamaaan Madaxwaynaha ku guulaysta 2014

Xildhibaano Xafidda Dastuurka, isla markaasna calaa aqali barankara Koorsooyinka loo dhigo ee kusaabsan Dastuurka iyo shuruucda dalka iyo dastuurka sidda dalka lowgu dhaqo.

Sidoo kalena waa in Xildhibaandda isa sharaxaya lawaydiiyaa su aalaha kore kuwa lamidda.

Hadii ay hadda shacabka reer Puntland sidii caadadda u ahaanjirtay ay Musharaxa ka eegaan reerka uu yahay waa ay kashalayn doonaan waxaana macquul noqonkarta in dadkaas iyo dalkaas Musqtaqbalka meel xun ku danbeeyaan.

Waxaa iyana wax laga naxo ah Musharaxiintii oo ku mashquulay in aad loosoo dhaweeyo, oo halkii Musharaxii laga rabay in uu sheego bal kartiidiisa uu Isbadal dalka ugu horseedi karo, ayaad arkaysaa Musharaxii oo leh waa farxay sidaad iisoo dhawayseen, xaqiiqiyan waana been wuxuba waayo Musharax kasta waxaa lagu soo dhaweeyaa intuu lacag haysto oo isagaa baxsha Kharashka baabuurta iyo dadka caleemaha wata oo sidda aan maqalay waaba lasoo kiraystaa.

Somalichanel 30 daqiiqo waa 500$ oo Musharaxii xoogaa lacaga siiya wariyaha isagaa aad loo buunbuuninayaa.

Isku soo duub, runtii hadda intanba waxay dhaantaa iyadoon Doorashaba jirteen, hadda xaaladu waa fiicantahay, laakiin waxaa loo baahanyahay in ay shacabku ku mashquulaan in ay kala xushaan Musharaxiinta oo kartidoodda ku kala xushaan.