Saacid oo saxaafadda usoo bandhigay xogtii uu Baarlamaanka ka hor akhrin lahaa

Filed under: Wararka |

saacid
Raiisul Wasaare Cabdi Faarax shirdoon saacid ayaa xafiiskiisa ku qabtay shirjaraa’id oo uu kaga hadlay arimo dhowr ah.

Saacid ayaa Warbaahinta ka horjeediyay khubadii uu ugu talo galay inuu ka jeediyo Baarlamaanka Soomaaliya hortiisa ee loo diiday inuu tago xarunta Golaha shacabka ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa ugu horeyn soo bandhigay waxqabadka mudadii sanadka aheyd ee Xukuumadiisa ay jirtay, isaga oo sheegay in khudbadii uu ugu talo galay Baarlamaanka Soomaaliya hortiisa ee loo diiday inuu ka jeedinayo warbaahinta.

Wuxuu ka hadlay khilaafka isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya ka dhextaagan, waxaana uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya khilaafaadka Madaxda dalka aysan biloow hada aheyn oo ay soo bilaabatay xilligii Dowladii C/qaasim oo ay isqabteen Ra’iisul Wasaarihii Cali Khaliif Galeyr.

Khilaafka Madaxweynaha iyo isaga ka dhaxeeya ayaa wuxuu sheegay in marka uu sameeyay la tashiyo badan kadib uu u arkay in lagu xaliyo Dastuurka dalka Soomaaliya, maadaama dalka Dastuur uu leeyahay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dad badan ay soo weydiiyeen su’aalo ku aadan sababta Baarlamaanka Soomaaliya loogu diiday inuu tago, waxaana uu sheegay in jawaabta ay tahay inuu hayo xog badan oo ku aadan arimaha Dowladda, lana diidayo inuu ka sheego xarunta Golaha shacabka, sidaasi awgeedna uu udhimrinayo dalkiisa iyo dadkiisa, xilligana uusan dooneyn in Soomaaliya ay dib unoqoto.