Saadin Samo Leh

Filed under: Important News,Wararka |

Cbdshkr Cali Nuur

Saadin Samo Leh

Dad dhimirka ka xanuunsan oo meel lagu hayo, ayaa mid Soomaaliga akhriyi yaqaan jariirad af Soomaali ku qoran ka soo qaatay mid ka mid ah shaqaalaha xarunta ka shaqeeya. Wuxuu jariiraddii ula yimid saaxibbadii. Waxay ka codsadeen in uu kor ugu akhriyo oo maqashiiyo waxa jariiradda ku qoran. Wuu ka aqbalay, wuxuuna ku billaabay wasiirro xilal loo magcaabay.

Akhriye: Hebel hebel – Wasiirka Amniga iyo Arrimaha Gudaha.

Dhegeyste: War, wax run ah inoo akhri! Ma Soomaaliya ayaa ammaan ka jiraa?

Akhriye: Walaal, waa waxa meesha ku qoran waxaan akhrinayo.

Dhegeyste kale: Waxa waxaas qoray ayaa beenta qoraya, fadlan, akhriska inoo wad!

Akhriye: Hebel hebel – Wasiirka Caddaaladda.

Dhegeyste kale: Waad ka badbadisaye innaga jooji! Xaggee bay caddaaladdu joogtaa?

Akhriye: Walaal, waa waxa meesha ku qoran waxaan akhrinayo.

Dhegeyste kale: Waa hagaage, fadlan, innaga joojiya muranka, akhriska haynnoo wadee!

Akhriye: Hebel hebel – Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa.

Dhegeyste kale: War, waxaas ma dhegeysan karno. Ma dhirtii iyo daaqii waa hore la gubey ayaa haatan la hadal hayaa? Yaabka yaabkii weeye!

Halkaa markii ay joogtay ayaa akhriyihii xanaaqay oo yidhi: Waa sax oo waxa meesha ku qorani ayaa khalad ah, hayeeshee anigu ma aan qorinnin.

Buuq badan ka dib, waxaa la isku raacay in la saxo.

Qalin iyo warqad ayaa la soo qaaday waxaana loo qoray sida soo socota:

Wasiirka Amniga iyo Arrimaha Gudaha waxaa laga dhigay – Wasiirka Colaadaha iyo Fitnada Gudaha;

Wasiirka Caddaaladda waxaa laga dhigay – Wasiirka Caddaaladdarrada;

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa waxaa laga dhigay – Wasiirka Xaalufinda Xoolaha Dhirta iyo Daaqa;

Wasiirka Qorsheeynta iyo Xiriirka Caalamiga waxaa laga dhigay – Wasiirka Qorsheeynta iyo Baryada Caalamiga.

Intaa markii la qoray, ayaa akhriyihii lagu yidhi: “Bal imminka akhri!”

Kolkuu akhriyey ayaa mid yidhi: “Hadda ayaa la dhegeysan karaa”.

Mid kale ayaa yidhi: “Waxaa habboonaan lahayd in giddi wasaarradaha loogu magacdaro Wasaaradda Dagaalka iyo Bara-kicinta. Ha laga xishoodo, iyadoo aan irbad la sameeyn karin in la yiraahdo, Wasiirkii Warshadaha ayaa dhiggiis USA la kulmay. Nimaan irbad soo saarin, miyaa nin atomic bombs soo saaray siddeetan sano ka hor dhiggiis noqon kara?”

Ugu dambeeyntii, ayaa mid qosol ku dhuftay, kkkkkkk! “Saadin samo leh ayaannu leennahay”.

Cabdishakuur Cali Nuur

London, 26.11.2016