Saado Cali iyo Maxamed Warsame Qasaali (Daawo waxa dhacay Saado oo muraari dillaacday markay dhagaheedu ku dhaceen hees uu Qasaali Magool la qaadi jiray 40 sano ka hor)

Filed under: Heeso,Important News,Wararka |

Qofkasta oo damiir Soomaaliyeed leh, baa marka uu indhihiisa ku arko Fanaanka Caankaa Qasali ee ka haray Fannaaniinteenii Hore oo hadana sidiisii ugu luuqaynaya hees ay Qasali iyo Magool 50 sano ka hor ku luuqayn jirayn.

Waliba qofka Soomaaliggaa ee asalkaa wuxuu soo xasuusanayaa Xiliyadii Soomaalidu is jeclayd oo ay isku duubnaayeen, waxaana markiiba miskaxdiisa kusoo dhacaya xaaladda maanta ay Soomaali ku sugantahay, waxaana laga yaabaa in qaar badan ay ka ilmeeyaan oo qiiroodaan

Marka Saado illaahy ha u naxariisto wadinayad bay ahayd wayna ishayn kari wayday oo in ay ilmaysay ku sigatay waxayna xasuusatay waayo waayo iyo bari samaadkii, waxaana dareemi kara qofka damiirka damqada leh, oo ka damqanaya xaaladda maanta ay ku sugantahay

One Response to Saado Cali iyo Maxamed Warsame Qasaali (Daawo waxa dhacay Saado oo muraari dillaacday markay dhagaheedu ku dhaceen hees uu Qasaali Magool la qaadi jiray 40 sano ka hor)

  1. Pingback: Mar Labaad Saado Cali iyo Maxamed Warsame Qasaali (Daawo waxa dhacay Saado oo muraari dillaacday markay dhagaheedu ku dhaceen hees uu Qasaali Magool la qaadi jiray 40 sano ka hor) | Puntland Observer