Sababta Ay Puntland U Diideen In Ay Ula Hadlaan Taardhuleed, kadib markii la Ogaaday In uu Taardhuleed Gacmo kale amarka ka qaato (Qormo gaaban)

Filed under: Important News,Wararka |

xog hoose
Xog hoose oo ay P/O heshay ayaa sheegaysa in ay sirdoonka Puntland helleen in uu Taardhuleed wasiirka Aminiga ee Galmudug u shaqeeyo kooxo raba in ay dagaal Gaalkacyo ka huriyaan oo dano farabadan oo siyaasadeed ka leh¨colaadaas, kooxahaas oo Soomaali iyo ajnabiba isugu jira, arrimo siyaasadeed oo farabadan.

Taardhuleed ayaa beel ahaan kasoo jeeda beesha Cayr ee aan Gobalka Mudug degin.
Waxaana ay Puntland aaminsanyihiin in haddii uu Taardhuleed heshiiska garwadeen ka noqda ay iska cadaanayso in uu heshiiskaas burburayo maadaama uu Taardhuleed Gacmo kale u shaqeeyo oo amarka ka qaato.

Qorshaha taardhuleed ayaa looga shakisanyahay in uu heshiiska shuruudo adag oo aan dhanka Puntland u cuntami doonin ku xiri-doono hadhowna uu heshiisku saas ku burburo, si ujeedadii hoose ee taardhuleed marmarsiiyo lawgu helo.

Waana sababtaas sababta ay Puntland u doonayso in heshiiska ay isla jeexjeexaan odayaasha degaanka oo arrimaha Gaalkacyo xaqiiqdeeda waligood u soo warhayey, balse wixii ay odayaashu ku heshiiyaan ay Maamuladu ku taageeraan.

One Response to Sababta Ay Puntland U Diideen In Ay Ula Hadlaan Taardhuleed, kadib markii la Ogaaday In uu Taardhuleed Gacmo kale amarka ka qaato (Qormo gaaban)

  1. Pingback: Sababta Ay Puntland U Diideen In Ay Ula Hadlaan Taardhuleed, kadib markii la Ogaaday In uu Taardhuleed Gacmo kale amarka ka qaato (Qormo gaaban) - Daily Somalia Report