Shacabka Turkiga Shacab Ku Dayasho Mudan, iyo xalay oo ay Shacabka Turkiga isku wacyigallinayeen ma in aannu noqono Soomaaliya iyo Suuryaad Rabtaan

Filed under: Important News,Wararka |

Waxaa xalay ku sugnaa magaalada Istanbuul mid ka mida Tafatirayaasha P/O.

Shacabka Turkiga oo ah shacab dhisan oo fahmi kara muhiimadda mustaqbalkooda ayaa hal mar waxay arkeen in dalkoodii ay ballaayo aan la garanayn la wareegeen, waxayna xalay u midoobeen in ay dalkooda illaashadaan.

Nabad galyo iyo nidaam dawlo oo shaqaynaya wax lagu doorsado malaha, ninkii dalkiisa gacantiisa ku burburiya waxuu ku danbayn halka ay Soomaali ku danbaysay iyo in Soomaalidii aynan maanta lahayn Baasaboor, aynan lahayn Lacag Sh Soomaali, aynan lahayn dawlad.

Waa guubaabada ugu badan ee ay xalay shacabka Turkigu isku guubaabinayeen, guubabadaas ka dib waxa hadlay madaxwynaha oo yiri soo baxa oo iska celiya xoogaaga farakutiriskaa.

Saacad lagama joogin markay shacabku dalka kala wareegeen kuwii afganbiyay dawladda..

Aduunkoo dhan bay u ahayd ku cibraqaadasho, shacab gacmaha is qabsaday in ay cid walba ka adagyihiin.

Guul iyo hambalyo shacabka Turkiga, shacab ku dayasho mudan.

One Response to Shacabka Turkiga Shacab Ku Dayasho Mudan, iyo xalay oo ay Shacabka Turkiga isku wacyigallinayeen ma in aannu noqono Soomaaliya iyo Suuryaad Rabtaan

  1. Pingback: Shacabka Turkiga Shacab Ku Dayasho Mudan, iyo xalay oo ay Shacabka Turkiga isku wacyigallinayeen ma in aannu noqono Soomaaliya iyo Suuryaad Rabtaan - Daily Somalia Report