Sharcigii Badda iyo Sharcigii Batroolka, Waxaa loo Tuuray Dad Maafiya Gudaha ah iyo Dad Maafiyo Shisheeye ah (Qoraal Xasaasiya)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

conrcern
-Dawladihii Xamar Soomaray illaa 2012-kii maxay uga leexleexanahayaan danta shacabka Soomaaliyeed.
A-Sow ma ahayn in ay abaaraan inay nabadgalyada wax ka qabtaan iyagoo la kaashanahaya maamulada dalka ka jira
B- Sow ma ahayn In dastuurkii qaranka la qoro, oo dad aqoonyahana oo Soomaaliyeed ay qoraan, oo looga daawoobo oo looga biskoodo baab¨ii iyo bililaqadii dalka ka dhacday, oo aaminaadi timaado, oo dawladda dhexe ay taqaano awoodeeda, dawlad gobaleedyaduna ay yaqaanaan awoodooda, oo w shaqayn ay timaaddo.
C-Khayraadka dalka sidii loo qaybsanlahaa in la qoro oo dad khubro ah loo saaro, qofna uunan qof kale wax bidin, oo dagmooyinka iyo Goblada iyo dawlad gobaleedyada, iyo DFS, iyo Go qolo walba qaybteeda iyo maamulkeeda iyo shariciyadeeda, in la qoro oo la dajiyo sharciyadii lagu kala shaqayn lahaa, oo la isku aamini lahaa si aanan gobalna gobal kale wax ku tuhmin.

Hadda maanta waxaan saxaafadda ka arkaynay shirkad ajnabiya oo Kenya ku qabanqaabinaysa shirka shidaalka Soomaaliya 18 ka Marso, iyadoo wasiirka barroolkuna leeyahay ka qaybgali mayno, wasiiru dawlaha xafiiska raysalwasaaruhuhuna uu leeyahay waa la qabanayaa.
Waxaa kaloo ka daran sharci batrool oo loo gudbiyay Golaha shacabka, iyadoon meelna lagu hayn sharcigii batroolka ee ay soomaaliya samaysatay 2008-dii, iyadoo aynan jirin cid ka hadlaysaa sharcigii batroolka ee 2008-dii meel uu ku danbeeyay.

Marka waxaa is waydiin leh wadankaan yaa maamula?.
Dastuurkii Soomaaliya waxaa la yiri addis-ababa ayaa lagu qorahayaa dastuurkii Soomaaliya, iyadoo la leeyahay waxaa ka qaybgalaya wasiirada arrimaha gudaha ee dawlad-gobaleedyada ee dawladda federaalkaa iyo wasiirada dastuurka ee dalalka Kenya iyo Ethiopia.

Waxaa is waydiin leh Soomaaliya ma leh miyaa dad sharciga wax ka yaqaan, mise waa dhamaadeen?.
-Hantidii qaranka soomaaliyeed iyo hantidii shacabka Soomaaliyeed ee meelkasta ee Soomaali joogto lagu dhacay, Xamarba ha u badnaatee, inay dawladdu wax ka qabato oo gacanta ku dhigto, oo tii qarankana dawladdu gacanta ku dhito, tii shacabka Soomaaliyeedna loo celiyo dadkii lahaa.

Hadaan midaas la hellina, wax la isugu imaanahayo ma jiraan, ama wax aaminaada oo dhacahaya ma jiraan oo la isugu imaanahayo.

Hadda dawladdu waxay tiri lacag baan samaynahayaa, saw marka hore in nabadgalyada la hagaajiyo kama horayso iyo maamul iyo sharci in lasameeyo, xaggee la gaynahaa oo lagu illaalinahayaa lacagta la samaynahayo, mase waxaa la rabaa in badda lagu shubto oo dadka masaakiintaa la dhaco, j4ebka in lagu shubto oo aynan xamar soo dhaafin baa la rabaa miyaa.

Fiiro gaara.
1) Waayahaan waxaa socday muqdisho waa Soomaaliya, Soomaaliyana waa Muqdisho.
2) Sharcigii badda iyo sharcigii batroolka, waxaa loo tuuray dad maafiya gudaha ah iyo dad maafiyo shisheeye ah ayaa raba in ay sharci iyagu ay ku maamushaan u samaystaan, oo laaluush iyo qurun lagu baxsho, oo laaluush iyo musuq maasuq ku meel marsadaan baa la rabaa.
3) Dadka soomaaliyeed ha ogaadeen in aynan jirrin dawlad kale oo guryahooda u nafiifinaysa, hadaynan iyagu nafiifsan, dawlad soomaaliyeed cidna ma rabtee waxaa la rabaa shacab Soomaaliyeed oo sidii la rabo loo rogrogto.

Marka Xamar shaydaan baa fariistay, marka waxaa la rabaa in caasimadda Soomaaliyeed si ku meel gaara meel kale lowgu wareejiyo, hadda xamar cid waxka sugaysa ma jirto, nimanka xamar fadhiya cid hadda wax ka sugaysa ma jirto ha ogaadeen.

Qore Warsame Axmed

2 Responses to Sharcigii Badda iyo Sharcigii Batroolka, Waxaa loo Tuuray Dad Maafiya Gudaha ah iyo Dad Maafiyo Shisheeye ah (Qoraal Xasaasiya)