Shariif Xasan Oo Siyaasadiisa Lagu Wareeray (Qormo gaaban)

Filed under: Important News,Wararka |

shariif-xasan
Shariif Xasan madaxwaynaha koonfurgalbeed oo ay Soomaalidu u yaqaanaan Shariif Sakiin oo loola jeedo nin siyaasad badan ayaa hadda aad lowgu wareersanyahay koodhkiisa siyaasadda.

Shariif Xasan ayaa balama kala duwam la galay dalalka Imaaraadka, Ethiopia iyo Kenya, qolo walbana u sheegay waxxay jecelyihiin.
Dhaka kale Shariifka ayaa la sheegayaa in uu sidaas si le’eg balamo kala duwan la galay Cumar Cabdirashiid iyo Xasan shiikh.

Shariifka ayaa la sheegayaa in uu Xasan ka dhaadhiciyay waxaan soo dhabar jabinayaa qolooyinka Cumar, halka uu kooxda Cumar Cabdirashiidna si hoose iyana ballan ula galay.

Dhanka kale shariif xasan ayaa la sheegayaa in uu beesha Digil iyo Mirifle iyana ka dhaadhiciyay in uu inta Hawiye iyo Daarood madaxa isku galiyo aakhirka sidaas isagu madaxwayne ku noqon doono.

Beelaha digil iyo mirifle ayaa maalmahaan aad ula dhacsan siyaasadda Shariif Xasan.

Dhanka kale Shariif Xasan ayaa baryahaan taageero dhaqaale oo mug wayn ka helay dalal dunida ah oo uu ugu horeeeyo imaaraadku oo hadda qasri wayn oo Madaxtooyo uga dhisaya Baraawe.
Waxaa kaloo loo ballan qaaday wado isku xiri doonta Baydhaba iyo Baraawe maadaama Baraawe ay tahay Caasimadda Koonfur Galbeed

One Response to Shariif Xasan Oo Siyaasadiisa Lagu Wareeray (Qormo gaaban)

  1. Pingback: Shariif Xasan Oo Siyaasadiisa Lagu Wareeray (Qormo gaaban) - Daily Somalia Report