Sharmaarke Yusuf oo diyaariyay Qormo aad u dhamaystiran oo Kaligitalisnimadda Faroole aad banaanka usoo dhigaysa, Issimadda doorkoodii dhumiyayna Qeexaysa Ka faa-iidayso

Filed under: Wararka |

Isimka-697x376

Qormooyinka dadka Caaqiliintaa ee Reer Puntland ah diyaariyaan aad baa loo dhiirigaliyaa, si Qoraagaas Caaqilkaa ee Fariidkaa ay niyadu ugu sii dhusanto oo uu ugu dhiirado in Qormooyin dheeraadda oo wacyigalina uu ugu dhirado.

Sharmaarke Yusuf ayaa Qorma aad u heer saraysa oo cadaymo wadata ka diyaariyay Ceebta iyo kala hadalka Faroole oo maalintii uu tartamayay hadaladiisii iyo markii uu xukunka qabtay ay aad isku maandhaafayaan.

Qore Sharmaarke Yusuf ayaa si faah faahsan u bayaaniyay oo cadaymo badan soo bandhigay hadala isburinaya ee Faroole maanta iyo maalintii uu musharaxa ahaa.

Halkaan hoose ka akhri OO KILIG GAREE SI AAD QORMADDA Sharmaarke Yusuf oo Qoraalkiisa soo marsiiyay WRBAAHINTA SANADKA EE HORSEEDMEDIA, AAD IYADOO DHAMAYSTIRAN UGA BOGATID

Qorax weliba subaxeede maalmihii na soo marey mid waliba xusuus iyo dareen reebtay, Shan sano ka hor maanta oo kale Garoowe musharixiin ayey soo dhaweeyneysey, maalmuhuse kala geddisan ninba si u arag mid tebaya, dulqaad iyo dimoqraadiyad la’aan, mid macaan iyo amni dareemaya halka mid kale ay Ashuun ku aadaan u tahay.

15 Nofeember 2008 ayey ahayd maalintii madaxweynihii Puntland Gen.Cadde Muuse oo ku dhawaaqey Guddigii Xalinta khilaafaadka iyo diiwaangelinta Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland, marka la eego dastuurka Puntland ma jiro qodob si rasmi ah u sheegaya magacabidda guddigan marka laga eego qodobo si guud loo cuskado oo awoodaha iyo salaaxiyaadka Madaxweynaha ka hadlaaya. Dastuurkii hore markaan ka hadleyno, kan hadda yaala ee ergootyinku meel mariyeen waxa uu ka hadlaayaa waa Guddiga Doorashooyinka, laakiin isaguna maaha oo doorashadan waxaa ay ku shaqeyn wareegtadii Madaxweynaha 14 July 2013 ee dib loogu noqdey nidaamkii hore ee doorashooyinka Puntland.