Shicibku wuxuu ogaa 35% Somaliland, 65% DP World goormaa Ethiopia la siiyey19%

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

lie truth
Hore waxa loo sheegay in Dekeda Berbera 35% Somaliland leeday, 65% na shirkada DP World la siiyey. Maanta War xukuumada ka soo baxay oo BBC da laga sheegay wuxuu wasiirka wasaarada ganacsiga sheegay in Ethiopia na la siiyey 19%.

Waa xaaja uguba oo bulshada ka wareerisay. Ethiopia iyadoon cidiba wax u diidanayn oo ay degenyiin dad ku dhow boqol million oo lala baayaca mush tarayn karaa, hadana markii hore laguma darin shicibkana looma sheegin.

Taasi waxay cadaynaysaa in xukuumadan hulaabta xun lihi aanay banaanka u soo saarin saami qeybsiga saxa ah ee Dekeda Berbera oo inta la ogyay qoyska Silaanyo na ku leeyey 8%. Waxa taaba ka sii daran DP World lacagtii ay ku balan qaaday inay dkeda ku balaadhisaa waxay isu bedeshay in ay horta labada samadood ee hore dekeda maamushu wixii dhaqaale ka soo baxana gacanta ku dhigtu.

DP World diyaar uuma aha sida muuqata inay lacag iska geliso Dekeda ee waxay wadaan inay ku macmalaan wixii ka soo baxa. Ta sadexaad ee waxaan oo dhan ba ka sii foosha xumi waxa weeye Deked aan hore loo ogayn oo laga ag dhisayo madaarka Berbera oo loogu tala galay inay ciidamada carabtu wax kala soo degaan ayaa rag ajanebi ihi dhismaheedii bilaabeen. Fool xumada iyo Khasaa-raha iyo hagar daamada ay Amina Weris iyo Morgan Saaxil ka wadaan maaha mid sahlan ee waa

mid goor ay noqotaba laga jari doono. Dadka kale waa shaqaale iyo guulwada yaal sida Maxamoud Xaashi iyo Cali mareexaan oo wax qaraara kuma laha amuurahan is dhaafaya. Silaanyo na hadal kiisaba daa oo tiisii baaba cusleysay. Labada qof ee Somaliland eeday waa marwada iyo Morgan. Hase yeeshee Morgan waxa reer Somaliland kaga ciil baxeen magac aan weligii ka hadhayn oo ah mid tilmaamaya fool xumo ayay ku dhejiyeen. Amina Weris na dalka iyo dadka uun bay ciil iyo cadho ka kacday waagii xisbiga Kulmiye guuldaraystay bay kula dhacday ee cimri sidaasa oo u hadhay ma jiro waxan ay boobaysana waqti ay ku istic maashaa uuma laabna oo dadka dib looma abuuro. Hadal hayn waxay u leeday Amina Weris Somalidu waa sida soodhaha oo sadex cisho uun bay qayliyaan ee boobka inoo wada. Waxay se ilaabaysaa in xisaabtii ilaahay hadhsantay oo dadkaa ay sidaa ku leeday ilaahay tusi karo iyadoo xaalad adag ku jirta. Nin agoon qalin ku xaday qaaxo kama fogaado.

Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com

afeef U jeedada aan qormadaan u daabacnay markii naloo soo diray kadib waa in banaanka loosoo saaro waxyaalaha hulaaban si been iyo run, laakiin shakhsiyaadka magacoooda la sheegay waa ka afeefanaynaa lamana qabno iyo qabiilada waxaana fikirkaasi uu u gaar yahay qoraha iyo arragtidiisa.