Shilin Somaliland oo hoos u dhacay, iyo warbixin kooban qaabka dawladuhu lacaga u daabacdaan

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

lacagta ayaa waagii hore waxaa lagu jaangoyn jiray Dahabka amaba si toos ah ayaa dahab wax lowgu kala iibsan jiray.

Hadda lacagaha aduunka waxaa lagu jaangooyaa nin walba sida uu wax u soosaaro, marka haddii uu dalkaagu wax soo saar leeyahay marka lagaa iibsanayo wixii aad soo saartay ayaad waxaad ku khasbaysaa qolada waxaad soo saartay raba in ay iibsadaan in ay iibsadaan lacagtaada.
Waxaana ay lacagtaada qiimaheedu kor u kacayaan marka ay dad badan iibsadaan ama u baahdaan markaas oo aad hadba adigu jaangoynaysid qiimaheeda maadaama aad lowgu baahanyahay.

Marka waa in aad waxsoosaar leedahay marka aad rabto in lacagtaadu qiima yeelato.

Matalan hadaad joogtid dal Europe ah oo aad markaas aad dolar iibsanaysid 1$ wuxuu kuu gooyaa 0,96 Euro laakiin markaad doolar wadatid eed euro iibsanaysid halkii dolar waa 0,88 Euro.

laakiin dhanka daabacaddaa nin walbaa intuu rabuu daabacan karaa, markii Dawladdii aan Daabacaadda ku jaangoyn baahida lacagta waxaa ay markaas noqonaysaa in uu sicir barar dhaco oo lacagtii uu qiimaheedu meesha ka baxo.

Dalkastaa waxa asalkaa ee uu ku xisaabtamo waa waxa uu soo saaro.
Soomaaliya waxaa ay soo saartaa waa xoolahaas nool ee reer baadiyihu raacaan, waxa kale oo dhan waxa ay ku nool yibiin dhiiggaas xoolo dhaqatada.

Haddii Dawladda Soomaaliland ay Shilin Soomaaliland fara badan iska daabacato, oo markaas ay ku kharash gareeyaan mushaaraadka shaqaalaha dawladda iyo dhismayaasha xafiisyada dawladda, lacagtaas waxay si dadban uga go’antahay xooggii iyo waxsoosaarkii shacabka reer baadiyahaa maadaama dalka waxsoosaarkisu uu ahaa 90% xoolaha nool.

Haddii markaas ay waliba dawladdii musuqmaasuq iyo eex ay kusii darto, shacabkii awalba hantidooda sida dadban loo qaatay, waxaa imanaysa in markaas arrinkii uu khatar gallo.

Inta badan dagaalada sokeeye iyo qulquladaha Soomaaliya ka socda waxaa u sabab ah, dalka oo aan lahayn waxsoo saar, iyo xoogaaga yar ee wax soo saar oo aan si daacada loo maamulin iyo iyadoo uusan jirin isla xisaabtan sharciyo iyo cadaalad ku salaysan

Halkaan ka daawo Cabdisalaan Hareeri oo barnaamij ka diyaariyay sicir bararka ka jira Soomaaliland.

Halkaan ka daawo barnaamij ka hadlaya qaabka lacagta loo daabaco